Guddoomiyaha Baanku dhexe, waxa uu sheegay inay shalay qaybiyeen Lacag badan oo Doollar ah, si hoos loogu dhigo qiimaha Doollarka Maraykanka lagaga sarrifo Suuqyada Lacagta ee dalka Somaliland. Gudoomiyaha Bangiga dhexe Cabdi Dirir oo qayb ka ahaa hawsha Sarrifleyaasha loogu qaybinayay Lacagta Doollarka ah, ayaa sharraxay sababaha wakhtigan Doollarku u kacay iyo sida ay wax uga qaban karaan ama hoos ugu dhigi karaan.“Ujeeddadu waxa weeye Doollarka oo baryahan Kacsanaa ayaannu doonaynaa inaannu soo dejinno, markaa ayaannu Doollar badan suuqa soo gelinnay. Mar haddaan Dekeddu aad u shaqaynayn oo wax uga soo degayn, kol haddaan Xoolo jirin la dhoofinayaa, wakhtigan waa iska dhacdaa in Doollarku kaco, dabeedna annagu aannu soo dejinno inta uu soo gaadhayo qiimo macquul ah.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi oo shalay Warbaahinta kula hadlay Suuqyada ay Lacagta Doollarka ah ku qaybinayeen.
Guddoomiye Dirir oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi; “Sicir-bararka annagu shaqo kuma lihin ee Ganacsatada ayaa samaysa oo dadka Sicirka ku kicisa. Laakiin, marka Doollarku kaco Siciri-barar bay keentaa oo Ganacsatada ayaa kordhiya qiimaha Alaabta ay iibinayaan.”
Qiimaha lagu Sarrifo Doollarka ayaa inta badan Somaliland aan meel ku degin ama sicir go’an oo lagu sarrifo lahayn, isagoo mararka qaar kor u kac ku yimaaddo, wakhtiyada qaarna hoos u dhac ku yimaaddo, saamayn-na ku yeelata nolosha Bulshada kor u kiciisu ha ugu darnaadee, hase-yeeshee, toddobaadyadii u dambeeyey ayaa qiimaha lagu sarrifo halka Doollar kor u kac ku yimi.
Hase-yeeshee, qiimaha halka Doollar ayaa gaadhay illaa toddoba kun iyo dheeraad, halka uu hadda toddoba kun oo Lacagta Shilinka Somaliland ah ka marayo qiimaha lagu sarrifo halka Doollar, balse waxa uu sannadihii u dambeeyey dhex-wareegayaa lix kun illaa toddoba kun inta u dhaxaysa inta badan marka aad adigu sidato doollarka ee aad sarrifka ula baahan tahay, halka marka aad doonayso in lacagta dalka Doollar lagaaga dhigo ay ka qaalisantay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment