Guddoomiye Cirro waxa uu Baaqyo nabadeed u kala diray dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan gobollada Galbeedka iyo Bariga Somaliland, waxaanu sheegay in Somaliland cid qolo ku noqotay aanay jirin, hase-yeeshee, ay tahay Somalilandnimadu mid la wada leeyahay dhibteeda iyo dheefteeda, cid inta ay ku leedahay lagala masuugi karaana aanay jirin.Xaaladaha kacsanaanta ah ee Awdal ka taagan waxaa ka mid ah Suldaan Abibakar Cilmi Wabar oo toddobaadkii hore gobolka Awdal kaga dhawaaqay inay Beesha gobolkaasi ka go’day Somaliland, isla markaana dhisanayso Maamul u gaar ah oo ka madax-bannaan Somaliland sida uu sheegay, kana mid noqon doona Maamul-goboleedyada dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya hoostaga.
Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa xarunta Baarlamaanka ee magaalada Hargeysa, ayaa ku baaqay in xaaladda la dejiyo, isagoo Xukuumadda u soo jeediyey inay xorriyaddooda u soo celiso Mudanayaasha ka tirsan Xildhibaannada Golaha Deegaanka Degmada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.
“Waxaan jeclahay inaan baaq nabdeed u soo jeediyo shacbiga reer Awdal, gaar ahaan degmeda Borama. Waxaan dhamaanteen ka warqabnaa in shacbiga reer Awdaal gaar ahaan magaalada Borama ahayd lafdhabarta tiirka nabadeynta iyo dhismaha dawladnimada cusub ee Somaliland. Waxaan shacbiga , ugaasyada, salaadiinta. culimada, dhallinyarada iyo haweenka reer Borama u soo jeedinayaa baaq nabdeed iyo in xalaadda hadda taagan la dejiyo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Wakiillada oo Baaq u dirayey Bulshada reer Awdal.
Cabdiraxmaan-Cirro oo sii watay hadalkiisa waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Shacbiga reer Awdal waa reer Somaliland horena umay noqon haddana ma noqonayaan wax aan ahayn Somaliland. Wixiise cabashooyin ah iyo tabashooyin ah ee ay horena ugu soo gudbiyeen odayaasha gobolku hadana taagan waa in xukuumadu siisaa mudnaanta ay leedahay arrintaasi. Suldaan Abibakar Cilmi Wabar waxaan u soo jeedinaya in dalkiisa iyo dadkiisa uu u soo noqdo, lana talo noqdo.”
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo Xukuumadda talada haysa la hadlayaa waxa uu yidhi; “Waxaan Xukuumadda Somaliland u soo jeedinayaa in xiisadda ka taagan hadda Boorama in sidii Somaliland u dhaqanka ahayd lagu dhammeeyo wadahadal, wadahadalkana la siiyaa fursad iyo waqti. Waxaan Xukuumadda u soo jeedinayaa in la soo daayo oo xorriyaddooda loo soo celiyo labada Xildhibaan ee ka tirsanaa Golaha deegaanka degmada Boorama oo sharcigu siiyey xasaanadda lagana soo xidhay magaaladaas.”
Beelo shaqaaqo ku dhex-martay Degaanno ka tirsan gobolka Sanaag, ayuu sidoo kale baaq u diray Guddoomiye Cirro, waxaanu yidhi; “Beelaha Walaalaha ah ee wada daga gobolka Sanaag, gaar ahaan Degmada Ceerigaabo, waxaan u soo jeedinayaa Baaq nabadeed. Wixii innaga dhintay waan tacsiyadeynayaa Ehelkii iyo Qarabaadii iyo Shacbiga reer Somaliland. Waxaan u soo jeedinayaa labada dhinac in arrinta wadahadal iyo Walaaltinnimo lagu dhameeyo.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment