Friday, April 3, 2015

Afar kamid ah Shacabka Deegaanka Qorilugud Oo Ciidamo Ethiopian ahi Kaxaysteen, Qaar Kale oo La Raadinayo iyo Xukuumadda Oo Aan Wali Jawaab Ka Bixin

coodoCoodanle:April,03,2015(Himilo)-Ciidamo Ethipian ah oo aad u hubaysan, ayaa Gudaha usoo galay Tuulada Coodanle oo dhinaca koonfureed kaga beegan Degmada Qorligudu ee Gobolka Buuhoodle, waxana ay halkaas ka kaxaysteen Afar kamid ahaa dadka deegaanka.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in dadka la kaxaystay ay kamid yihiin Mu’adin iyo Imaamkii masaajid ku yaalla Tuulada    Qorilgudu, waxana dadkaas loo kaxaystay dhinaca Tuulada Balli-dhiig oo ku taalla Xuduudda udhaxaysa Ethiopia iyo somaliland, isla-markaana dhinac Galbeed kaga beegan Tuulada Coodanle.

Dadkan la xidhxidhay oo dhamaantood isku beel ah, ayaa la sheegayaa in xadhigooda lagu sababeeyey Dil dhawaan Maleeshiyo katirsan Beesha Qorilugud goob ku taalla Xadka Ethiopia ugu geysteen Nin kasoo jeeda Deegaanka Buuhoodle, waxana ay taasi keentay in Ciidamada Ethiopianku soo garogeliyaan Colaaadda labada Belood u dhaxaysa.

Dadka xadhiga loo geystay, ayaa laga fogeeyey ehelkoodii, waxana la sheegayaa in loogu hanjabay in loo qaadi doono dhinaca Magaalada Jigjiga ee Magaalo madaxda u ah ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Sidoo kale waxa wararku sheegayaa in Ciidamada Ethiopianka ahi raadgurayaan Xubno badan oo beesha raggaas laga xidhay kamid ah, kuwaas oo baxsasho kaga maqan deegaankoodii.

Xukuumadda Somaliland, ayaa wali ka Hadlin dhibaatada ka taagaan Deegaankaas, waxana la sheegaya in ciidamo RRU ah ay u dirtay Gudaha Magaalada Qorilugud, kuwaas oo iyaga laftoodu raacdaynaya dad gaar ah oo loo cayimay qabashadooda.

Colaadda Deegaanka Buuhoodle iyo Qorulugud ayaa meel xun maraysa, waxana labada dhinac ay isku geysanayaan Dilal gaadmo ah, iyadoo aanay muuqanin wax xal ah oo xukuumaddu arrintaas kaga hortegayso.

Himilo Media

No comments:

Post a Comment