New York:April,03,2015(Himilo)-Laba haween ah oo la sheegay inay kamid ahaayeen Xoogagga ISIS, ayaa lagu qabtay Magaalada New York ee Dalka Maraykanka, xilli ay ku Hawllanaayeen Fulinta Qaraxyo Banbaano.Labada qof ee dumarka ah oo lagu kala magacaabo Noelle Velentzas 27 sano jir iyo Asiya Siddiiqi oo ah 31 jir, ayaa la sheegay in ay hore isha ugu hayeen ciidamada danbi baadhista ee FBI.
Labadan Haween ah, ayaa lagu eedeeyey inay taageeraan kooxda ISIS, isla markaana ay doonayeen bambaanooyin ay gacantooda ku sameeyeen inay ku weeraraan xarumaha Booliiska ee ku yaal magaalada New York.
Ciidamada amniga ayaa sidoo kale guriga ay labada hablood degenaayeen ka helay aaladaha laga sameeyo waxyaabaha qarxa.
Maraykanka ayaa kamid ah Dalalka muwaadiniintoodu xubnaha ka yihiin Islaamiyiinta ISIS eek a dagaallama Dalalka Syria iyo Ciraaq, waxana ciidamadiisa ammaanku wakhti badan geliyaan Dabagalka Shakhsiyaadka Arrimahaas looga shakiyo.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment