Hargeysa, 18 April, 2015 (Himilo)- Culimada waaweyn ee dalka intooda badan, ayaa Xukuumadda Somaliland ku taageeray fulinta xukunnada Qisaasta ah, waxaanay cambaareeyeen hadallo ka soo yeedhay Waddamada Reer Galbeedka, gaar ahaan Midowga Yurub oo Somaliland ku dhaliilay fulinta Qisaasta oo ay ku tilmaameen Xad-gudub ka dhan bani’aadamnimada.
Culmida dalka, gaar ahaana kuwa magaalada Hargeysa, ayaa khudbadahoodii Jimcaha ee shalay waxa ay si isku mid ah ugu soo qaateen dhawaaqa ka soo yeedhay reer Yurub, waxaanay sheegeen inay madaxweynaha iyo xukuumaddii ku bogaadinayaan qisaasta uu sameeyey, waxaany ugu baaqeen in la si wado qisaasta.
Culimada ayaa fulinta Qisaasta ku tilmaamay Amarka Alle oo la fuliyay, Alle oo laga farxiyay iyo Gaalada iyo Shaydaanka oo laga cadhaysiiyay, iyagoo iftiimiyay in haddii la joojiyo ay muuqan doonto in xukumadda loo yeedhiyo go’aamada ay qaadanayso.
Midawga Yurub, ayaa war-saxaafadeed Arbacadii ka soo saareen magaalada Nairobi, waxa ay cambaareeyeen Xukunno qisaas ah oo ay Xukuumadda Somaliland ku fulisay lix qof oo dilal u geystay, kuwaasoo dilkooda lagu fuliyey meel u dhaw Xabsiga Mandheera oo ka tirsan degmada Abdaal ee gobolka Saaxil 13-kii bishan.
Dilka lixda qof ee Xukunnada qisaasta ah lagu fuliyey sida Allaah waajibiyey ee ay Diinta Suubban ee Islaamku dhigayso, ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyey ee muddo toban sano iyo dheeraad ah ama labaatan sano ku dhawaad ay dawladda Somaliland ku fuliso dil qisaas ah, iyadoo dhawr iyo tobankii sannadood ee u dambeeyey aanu jirin xukun dil ah oo Somaliland laga fuliyey, balse ay jiraan Boqollaal qof oo dilal geystay, isla markaana ay Maxkamadaha Sharciga ah ee Somaliland ku rideen xukunno dil ah, hase-yeeshee aan lagu fulin dilalka lagu xukumay ee weli ka buuxa Xabsiyada kala duwan ee dalka.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment