Saturday, April 18, 2015

Soomaaliya oo loogu baaqay inay Somaliland kaga dayato dhismaha dawladnimada

Pisa, 18 April, 2015 (Himilo)- Jaamacad ku taal dalka Talyaaniga ayaa sheegtay inay ku martiqaadeen Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Mr. Maxamed Biixi Yoonis, inuu la wadaago nidaamkii dalkiisa u dhismay iyo dariiqyadii ay u soo mareen oo xal u noqon doonta wadammo Soomaaliya ka mid tahay.
images (1) (1)Qoraal ay baahisay jaamacada Scuola Superiore Sant'Anna oo ka dhisan magaalada Pisa dalka Talyaaniga, ayaa lagu sheegay inay sharaf weyn u tahay martiqaadka Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Mr. Biixi oo hore kaalin weyn uga soo qaatay hawlgalkii nabadraadinta gobolka Darfur ee Sudan, wakhtigaas oo wasiirku ka tirsanaa Qaramada Midoobay, isla markaana qeyb ka ahaa shaqsiyaadkii bud-dhhiga u ahaa hawlgalkaa oo markii koowaad aduunka laga hirgeliyey.
maxamed biixi yoonis(2)“Imaatinka Mr. Biixi iyo khudbada uu ka jeedin doono jaamacada Sant'Anna School ayaa ku soo beegmaya wakhti meel xasaasi ah marayso dagalada sokeeye ee ragaadiyey Soomaaliya, waxay waayaragnimadii Somaliland u soo dhismatay xal u noqon kartaa dhibaatooyinka iyo buruburka ka taagan Soomaaliya,” Sidaas ayaa lagu yidhi Qoraalka jamacaddu ku baahisay bartooda Internetka oo uu ku saxeexan yahay Prof Andrea De Guttry oo ka tirsan Jaamacadda.
Prof. Andrea de Guttry oo ka hadlayey martiqaadka ay u fidiyeen wasiirka Arrimaha Dibedda Mr. Yoonis ayaa sheegay inay sharaf u tahay, waxaanu yidhi, "Waa talaabo muujinaysa kaalinta jaamacada Scuola Superiore Sant'Anna sannadihii u dambeeyey ka qaadanaysay khilaafka Soomaaliya, iyo sidii loo heli lahaa waayaaragnimadii Somaliland.”
Prof. Gutty ayaa sheegay in jaamacada sant’Anna soo dhoweynayso dhamaan ardayda Somaliland ee shahaadooyinka PhD iyo tababarada kale ku qaadanaya magaalada Pisa. Waxaanu yidhi, “Waa markii koowaad ee masuul dal kaloo Afrika ah aan la aqoonsan aan martiqaadno.”

Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment