Sunday, April 19, 2015

Danaystayaal mise Deeq-bixiyaal?

Bani’aadamka alle abuuray waxa uu usoo dajiyey diin (islaamka) dhamaystiran oo samaawi ah taasoo waaraysa inta adduunkan aynu ku nool nahay ama qof uu dul socdo. Waana Kittaabka qur’aanka ee Alle ka yimi (SW) iyo Sunnada Rasuulkeenii Suubanaa (SCW) sidaa darteed, qof wal oo muslim ah waxa waajib ku ah inuu raaco Jidkaa toosan ee uu inoo jeexay macalinkeenii qumanaa ee Nabi Muxammed (SCW). Waxa kale oo iyana la inooga baahan yahay inaynu foojignaan u yeelano khiyaamooyinka Kufaarta Alle iyo Rasuulkiisa Caasiyey. Tabaha kufaartu ay muslimiinta ku saydareeyaan waxa ugu horeeya warbaahinta iyo ereyo u hogaaminaya danahooga kala duwan ee ladagaalanka Waxyiga alle Nabigeena suuban(SCW) kusoo dajiyey iyo dhaqankeena wacan ee diinta islaamka. Haddaba aniga oo ka hadli doona arrimo dhawra aan marka hore iftiimiyo ereyga “ DEEQ-BIXIYE” waxaynu turjunay erey afka GAALADA ka yimid kaas oo ah “ DONORS) waa hadal ama kelmad aad inoo dhex qaaday oo bulshadeena intooda badan ay isticmaalaan MADAX IYO MIJO . Waa erey gaf ku ah diinteena iyo caqiidadeena wanaagsan ee islaamka, waa erey qofkii ku dhawaaqa DAMBI culus uu ku kasbanayo, Waayo, ALLE (SW) ayaa deeq bixiye ah, inaynu KUFAAR Illaahay (SW) ku tilmaamay NIJAAS inaynu ku tilmaano deeq bixiyayal ayaa dambi inoogu filan. Waa DANAYSTAYAAL ee yaan loogu yeedhin deeq bixiyayaal walaalahayga muslimiintoow……………….!!
Inay DANAYSTAYAAL yihiin waxa marag inoogu filan dhacdadan wali sii qoyan ee kasoo burqatay KUFAARTA Reer Yurub una dhignayd sidan: Baaqa Midawga Yurub Arrintan ka soo saaray Shalay
“Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah waxay sida ugu adag u dhaleecaynayaan fulinta dilka lixda qof ee ay sameeyeen masuuliyiinta Somaliland ee xabsiga ammaanka badan ee Madheera in badan kadib markii ay iska daayeen fulinta dilka maamulku. Guud ahaan, falkani aan la filayn, wuxuunna dib-u-dhac ku yahay guulaha laga gaadhay in la fidiyo nidaamka sharciga Somaliland. Midowga Yurub wuxuu si ba’an uga soo horjeedaa ciqaabta dilka, waxayna u tixgeliyaan in dilku yahay ku xad-gudub aad khatar ugu ah xuquuqda iyo sharafta aadamaha.
Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub waxay si ba’an uga soo horjeedaan dilalka la fuliyey iyo xabaalaha la qoday sagaal sanno, kadib markii la joojiyey dilalka ciqaabta ah, waxayna ku adkaynayaan masuuliyiinta Somaliland inay dib uga fekeraan go’aankooda dib uga noqoshada dariiqa horumarka ee ay raaceen ee joojinta dilka.
Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub waxay ugu yeedhayaan masuuliyiinta Somaliland inay si dhaqso u joojiyaan xukunnada dilka oo ay ugu horreyso inay qaataan shuruuc ku habboon joojinta xukunka dilka. Midowga Yurub waxay rajaynayaan inay masuuliyiinta Somaliland kala shaqeeyaan arrintan,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah ururkaas.

“IIAAHAY waxa uu qur’aanka ku yidhi "qisaasta nolol ayaa idiin ku jirta dadkiina caqliga usaaxiibaw si aad u baqataan ayaana qisaasta la idiinku jideeyay" nolol ba idinku jirta qisaasta, illaahay waxa uu galiyay qisaasta nololsheena waxaan ognahay inaynu nahay dad muslimiina calankeenana waxa ku qoran kalmada tawxiidka taasoo ka tarjumaysa in aynu nahay dad muslimiina sidaa awgeed waxa illaahay ina farayaa in aynu qisaasta fulino.

Gabagabadii; wixii meel ka dhac ku ah dadkeena iyo diintooda waxa masuul ka ah cida aynu dooranay oo ah xukuumada uu hormoodka ka yahay Axmed Siilaanyo, iyana jawaab ayay arrintaa ka bixisay balse, waxaan ka muujiyey saluug sida ay arrintaa uga jawaabtay, aynu soo qaadano ereyo ka mid ah jawaabta xukuumada” Wasiirka Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, oo arrintan ka hadlay ayaa yidhi “Dalkani qawaaniin iyo shuruuc uu dhigtay ayuu leeyahay, kuwaasaanna lagu dhaqmayaa cid iska hortaagi kartaa Somaliland inay qawaaniinteeda ku dhaqantaanna ma jirto cid kasta oo cambaarayn sheegtana iyaga ayay u taallaa,” ayuu yidhi Wasiirka Caddaaladdu. Waxaan ku naqdiyayaa qawaaniin aynu inagu samaysanay ma’aha ee waa qawaaniin ALLE (SW) inagu waajibiyey inaynu ku dhaqano oo ku xusan sidaan hore usoo sheegay waxyiga alle (sw) usoo dhiibay nabigeena suuban (SCW). Markaa waa farogalin diimeed iyo dagaal qaawan oo ay danaystayaashu inagu soo qaadeen iyaga oo u xilanaaya shillimaadka ay kaniisadaha kasoo ururiyaan ee ay ku sheegaan doorasho ku bixin. Waxaan guud ahaan bulshada usoo jeedinayaa in arrintaa laga dareen qaato iskana illaalinayo ereyada DANAYSTAYAASHU ay inagu khayaamaynayaan.

Wabillahi Tawfiq
Cabdirasaaq Askar
Hargeysa ,Somaliland
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment