Sunday, April 19, 2015

“Dibu dhaca doorashadu waxay dhex-taalay labada Waaxood ee Fulinta iyo Sharci-dejinta, ma garanayo waxa midna eedda loo saaro midna aan loo saarin”

Hargeysa, 19 April, 2015-(Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in dib u dhaca doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu ku xidhan yahay laba Waaxood oo kala ah Xukuumadda iyo Baarlamaanka, hase-yeeshee, aanu garan karin sababta eeddeeda loola doonto oo keliya Xukuumadda talada haysa.
muuse biixiGuddoomiyaha KULMIYE waxa uu sheegay in dalka Musuqmaasuq ka jiro, kana jiri doono, waxaanu sheegay inuu dunida oo dhan ka jiro, kana jiri doono oo aanu dhammaan doonin. Waxa kale oo uu ka warbixiyey safar uu dhawaan ku soo maray gobollada Bariga Somaliland isaga iyo Wefti KULMIYE ah oo uu hoggaaminayey, kaasoo uu ka fogeeyey inuu mid olole ahaa sida ay ku eedeeyeen Xisbiyada Mucaaradka ah qaarkood, waxaanu ku dooday in uu ahaa Safar xog-ogaal u noqosho ah.
“Dib-u-dhacaa in badan baa laga wada hadlay, waa la is-waydiiyay yaa dib u dhigay? Haddii dawladdu dib u dhigtay, dawladdu waxay ka kooban tahay laba waaxood, fulinta iyo sharci-dejinta sharciyaddu labadooda dhexdooda ayay taalay, garanayo waxa midna loo saaro eedda, midna looga duwo, waxbaa inaga habsaamay inta la baadhay wixii inaga habsaamay lama odhan ciddaasaa eedda leh.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiya KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo shalay u warramay Shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews.
Waxa uu Muuse Biixi oo sii watay hadalkiisa intaas ku daray; “Laakiin, waxa hubaal ah in sharciyadii la fulin lahaa ay ku habsaameen baarlamaanka iyo xukuumadda, annagu weliba waxaanu u aragnaa inay baarlamaanka ku habsaameen oo sharci kastaaba muddadii la doonayay inuu kaga soo baxo baarlamaanka laba-laab iyo saddex-laab ku habsaamay.”
“Haddaba imika dibu dhicii wuu jiraa, bisha lixaad-na doorashadii dibbay uga dhacaysaa intay dib uga dhacaysana waxa goyn doonta guurtida, waana dastuuri ka dibna doorasho ayaynu galaynaa, markaa wax buuq ah oo laga buun-buuniyo garan maayo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbil-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment