Hargeysa:April,02,2015(Himilo)-Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa shaaciyey inaanay aqbali doonin in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo loo sameeyo Mudo-kordhin aan talo adag la yeelan oo aan si weyn loo lafogurin kahor inta aan la gaadhin 26-ka bisha June oo ah Muddo-xileedka Madaxweynaha wakhtigiisu ku dhan yahay.Mujaahidka oo maanta ka Hadlay Kulamo ay yeesheen Isbahaysiga Axsaabta Mucaaridka iyo Madasha wada-tashigu, ayaa soo jeediyey in Haddiiba ay dhacayso in muddo-kordhin la sameeyo loo baahan yahay inaanay dhaafin muddada ka hadhay sanadkan oo uu tilmaamay inay tahay tallaabo caalamku taageersan yahay,
Mawqifkayagu waa inay noqot maalinn ama maalmo ku darsamo wakhtiga doorashadaas in la qabto sanadkana inay dhaafo ma ogolin sida caalamku qabo ma dhici karto aqbalimayno sida la sheegay in 26-ka June wax aka horreeyo in talo la iskugu yimaaddo wax aan ahayn.” Ayuu yidhi Mujaahid Xasan Guure.
Xasan Guure oo Hadalkiisa sii wata ayaa ka Dayriyey Xaaladda Golaha Guurtida somaliland, waxana uu tilmaamay inay haatan xubnuhu iskgu biyo shubteen Qaar dhaxal ku yimi oo aan Guurtinimada u qalmin, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi,
“Talada qaran ma aha sida madaxweynuhu maalintii dhayeyd ee uu hadlay yidhi ee ahayd sida odayaasha suuqa joogaa yidhaahdaaan” ma aqbali doono dalkuna khalkhal buu galayaa guurtida aynu ognahay xaalkeedu halka uu marayo, ee 82-kii aynu soo dhisnay 12-ku ka nool yihiin oo 70- saleebaan Gaal ku jiraa dhaxalka yihiin oo ay kamidka yihiin Qaar cilaajyo ku jiraa oo ay kamid yihiin rag loo aamini waayey Biilkii Carruurtooda inay qaadaan oo Maxkamaddu tidhi dumarkooda halloo dhiibo, muddo ay kordhiyaan Rag caynkaasina ku eegimayno, intaanu hore ugu eegaynayna dib ugu eegimayno. Haddaanu cid ku eegaynaynana Maxamed Siyaar Barraanu ku eegi lahayn.”
Mujaahid Xasan Guure ayaa carrabka ku adkeeyey inaan talada laga yeelanayo arrimaha dibudhaca doorashooyinku aanay noqon doonin kuwa ay madaxa ku martaan Golayaaasha Xukuumadda iyo Baarlamaanku, waxana uu xusay inay kuwaasi yihiin kuwa loo tirinayo dibu dhaca yimi, waxana uu yidhi,
“Talada Qaranku labada Gole iyo intii markii horeba Habsaamisay doorashadu inaad wada-gashaan, Haddii ay wax hagaajinayaana markii hore ayey qaban lahaayeen maantana weydin soo dhaaftay.”
Himilo Media
No comments:
Post a Comment