Tirada Xoolaha labadii Habeenba mar laga dhoofin jiray Dekedda Berbera iyo heerka Saamaynta uu dagaalka dalka Yemen ka socdaa ku yeeshay
“Wararka na soo gaadhayaa waxay sheegayaan in Dekeddii Mukha ee Xooluhu ka degayeen la garaacay Saldhigyo ku yaalla, 2/3 habeen-ba Markab baa bixi jiray, laakiin toddobaadkii u dambeeyey waxa xanniban…” Wareysi: Guddoomiyaha Ganacsatada Xoolaha u dhoofisa Yemen Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Shidaar)
Berbera/Mukha, 02 April, 2015-(Himilo)- Maraakiib Xoolo ka qaaday Dekedda Berbera, ayaa ku xanniban Dekedda Mukha ee dalka Yemen oo ka mid ah meelaha Duqaymaha Sucuudigu ka wado, halka Dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey Dekedda Berbera ee Somaliland uu taagan yahay Markab sida Kun iyo laba boqol oo Dibi iyo Shan Kun oo Neef oo Adhi ah. Markabkan ayaa la joojiyey markii Duqaynta Boqortooyada Sucuudigu ka bilaabeen Yemen.
[gallery ids="17855,17854"]
Xoolaha kale ee la qaadi lahaa, ayaa iyagana lagu hakiyey Sayladaha iyo Maxjarrada Xoolaha ee Ganacsatada. Sidoo kale, laba Markab oo iyaguna Yemen u qaaday Xoolo ay tiradoodu dhan tahay Laba Kun oo Dibi iyo Lix kun oo Adhi ah, kuwaasoo markii ay Yemen galeen dagaalku u dhacay, ayaa weli ku xanniban Dekedda Mukha ee waddanka Yemen oo ku taala dhinaca Badda Cas isla markaana ah dekedda ugu dhaq-dhaqaaqa badan ee ku taala Woqooyiga Yemen.
Guddoomiyaha Ganacsatada Xoolaha u dhoofisa dalka Yemen Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Shidaar), ayaa isagoo ku sugan magaalada Berbera u warramay Weriye Sidiiq Maxamed Birmad oo ka tirsan Radio Hirad, waxaanu sheegay in saamayn xooggani ka soo food-saartay dhoofka Xoolaha ka tegi jiray Dekedda Berbera toddobaadkii ugu dambeeyey ee duullaanka Sucuudiga Hoggaaminayo ee Jaamacadda Carabtu ka socday dalkaas.
Guddoomiye Shidaar waxa uu yidhi; “Xoolo wixii hore u sii joogay ee aannu geynay Sayladda Yemen iibkoodii baa istaagay, dadkii iibsanayey ee Ganacsatada ahaa dad dagaal ku dhuftay oo nin waliba carruurtiisii la qaxay ayuu noqday, Xoolo waxoogaa ah oo ay reer Somaliland leeyihiin ayaa immika jooga Dekedda Mukha ee dalka Yemen, halkaasoo wararka na soo gaadhayaa ay sheegayaan in Dekeddii Mukha ee Xooluhu ka degayeen la garaacay Saldhigyo ku yaalla, dee meel dagaal ka socdo oo dadku ka qaxayana Xoolo loo diri maayo.”
“Anigu hadda Berbera ayaan joogaa, Xoolihii Yemen u dhoofayey way joogaan, muddo toddobaad ah waxba maannaan rarin, labada ama saddexda habeen-ba Markab baa bixi jiray, laakiin toddobaad ka hor Markabkii baxay ayaa ugu dambaysay. Hadda Markabki waa joogaa, Xoolihina waa joogaan, laakiin wejigii lagu rari lahaa ayaan jirin.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatada.
Marka laga yimaaddo Xilliga Xajka oo Xoolaha ugu badan loo dhoofiyo waddanka Sucuudiga, sannadka intiisa kale waxaa Xoolaha ugu badan ee laga dhoofiyo Dekedda Berbera loo qaadaa dhinaca Suuqyada dalka Yemen. Waxaana labadii habeen-ba hal mar ka bixi jiray hal Markab oo qaadi jiray Kun Dibi iyo Shan Kun oo Neef oo Adhi ah.
Xoolaha ku xanniban Dekedda Mukha ee dalka Yemen, ayey Ganacsatada leh ee reer Somaliland sheegeen inaanay garanaynin si ay ugu taliyaan, isla markaana aanay dib u soo celin karin, meel kale oo ay Mukha uga saari karaanna jirin. Waxay intaas ku dareen in Ganacsatada Xoolaha ka iibsan jirtay ee reer Yemen kula soo taliyeen Ganacsatada Soomaalida inaanay Xoolohooda u rarin Yemen inta dagaallada dalkaas ka socdaa dhammaanayaan.
Weerarrada dhinaca Cirka ee ay Diyaaradaha dagaalka ee Sucuudiga iyo Xulufadiisu tan iyo Arbacadii toddobaadkii hore ka wadeen gudaha dalka Yemen ee ka dhanka ah Kooxda dawladda Mucaaradka ku ah ee Xuutiyiinta oo la tuhunsan yahay inay taageero ka helaan dalka Iran, ayaa sidoo kale saameeyey Gaadiidka Hawada ka dib markii ay Boqortooyada Sucuudigu xayiraad ku soo rogtay duullimaadyada Hawada sare iyo Badda ee waddanka Yemen.
Waxa ay diyaaradaha magaalada Dubai ee Khaliijka Carabta ka soo kaca oo Hargeysa saddex saac ku soo gaadhi jiray u wareegeen khad kale oo lix saac iyo badh ku soo gaadhayaan Hargeysa, halka ay magaalada Muqdisho ee xarunta dalkaasi Soomaaliya ku gaadhayaan 7 saac iyo badh, kuwaasoo isticmaalaya khad wareeg ku ah oo dul maraya dalalka Cumaan, Sucuudiga, Sudan iyo Itoobiya.
Dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta, ayaa isku raacay badbaadinta dawladda Sharciga ah ee dalka Yemen iyo la-dagaallanka Xuutiyiinta dalkaas ee dawladda dagaalka kula jira, waxaana go’aankaas dalalka taageeray ka mid ah waddamada Somaliland iyo Soomaaliya oo sheegay inay garab-taagan yihiin oo ay ayyidsan yihiin tallaabooyinka Jaamacadda Carabta ee lagu badbaadinayo dawladda Sharciga ah ee Yemen.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment