Sunday, April 19, 2015

Safiirka Itoobiya oo ka hadlay Gaadhi Somaliland lagala Baxsaday oo lala galay Gudaha dalkiisa iyo Digniin ay u jeediyeen Suldan Wabar

“Haddaad doonaysid dagaal tag gudaha Somaliland ama nabadgelyo u joog dalka Itoobiya.. taasna way ogtahay…..” Safiirka dawladda Itoobiya u fadhiya Hargeysa Brig Jen. Berhe Tesfaye: Wareysi Gaar ah
Hargeysa, 19 April, 2015-(Himilo)- Safiirka dawladda Federaalka Itoobiya u fadhiya Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Brig Jen. Berhe Tesfaye, ayaa tilmaamay inay tahay dacaayad ka timi Masuuliyiintii qaabbilsanaa Gaadhi Wasaaradda Maaliyaddu lahayd oo lagala baxsaday magaalada Boorama, ka dibna lala galay gudaha Itoobiya, isla markaana waxa uu sheegay inay digniin kama dambays ah u jeediyeen Nin la sheegay inuu xasillooni-darro gudaha dalkooda kaga soo abaabulo Somaliland.
brigadier-general-berhe-tesfaye-247x300brigadier-general-berhe-tesfaye-247x300Safiirka Itoobiya u fadhiya Hargeysa Brig Jen. Mr. Tesfaye oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey tallaabada Xukuumaddiisu ka qaadday Gaadhi ay lahayd Wasaarada Maaliyadda Somaliland Xafiiskeeda Boorama oo la sheegay in dhawaan Derawalkii ku qornaa ula tallaabay xuduudka Itoobiya, ayaa ku dooday inuu ahaa dayacaad ay sameeyeen Masuuliyiintii qaabbilsanaa Gaadhiga, waxaanu yidhi; “Arrinka gaadhigaa la sheegay in Derewalkii qoyskiisa ku geeyey gudaha Itoobiya, waa dayacaad masuuliyiintii qaabbilsanaa kantarroolka Gaadiidkaa leeyahiin, sidaana waan u sheegay Masuuliyiin Somaliland ah oo igala soo xidhiidhay arrinkaas.”
Mar la weydiiyey in wax tallaabo ah Xukuumaddiisu u qaadday soo qabashada iyo celinta Gaadhigaas Wasaaradda Maaliyaddu lahayd, ayuu ka gaabsaday inuu jawaab ka bixiyo, kuna gaabsaday; “Arrinka Gaadhiga waan kuu sheegay.”
Mr. Tesfaye ayaa sidoo kale sheegay inay digniin cad ugu sheegeen Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar oo gudaha Itoobiya ka soo abaabulayey billihii u dambeeyey Jabhado khalkhaliya nabadgelyada Somaliland, kaasoo uu sheegay inay u sheegeen inaanu wax xasillooni-darro ku keeni kara Somaliland kaga abaabuli karin dalkooda, isla markaana hadduu doonayo inuu la dagaallamo uu tego Somaliland, waxaanu yidhi; “Ninkaa (Suldan Wabar) si cad ayey Masuuliyiinta dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ugu sheegeen inaanu xasillooni-darro kaga abaabuli karin Somaliland gudaha Itoobiya, hadduu doonayo inuu dagaallamana tego gudaha Somaliland, ama nabadgelyo ku joogo dalkooda Itoobiya.”
Safiirka Itoobiya u fadhiya Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa intaa ku sii daray in digniintaas Xukuumadda dhexe ee Itoobiya la socoto, isla markaana u gudbiyeen Masuuliyiinta Somaliland ee qaabbilsan mawqifka dalkiisa.
Hadalka Safiirka dawladda Itoobiya ee Somaliland fadhiya Mr. Tesfaye, ayaa ku soo beegmaya wakhti maalmo horteed Masuuliyiin Wasaaradda Maaliyadda Somaliland sheegeen inay kala xidhiidheen Xukuumadda Itoobiya Gaadhi loola tallaabay gudaha dalkooda, inkastoo Gaadhigaasi sharci-darro ku galay Xuduudka Itoobiya ay adkaan doonto in si fudud dib loogu helo, ciqaabaha ka yaal dembigaas awgeed.

Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment