Saturday, April 4, 2015

Xidhiidh Khadka Telefoonka ah Oo Dhexmaray Madaxweyneyaasha Maraykanka iyo Kenya

Obama-PhoneWashington:April,04,2015(Himilo)-Xidhiidh xagga Telefoonka ah ayaa dhexmaray Madaxweyneyaasha Mareykanka  Iyo Kenya, waxana xidhiidhkaas soo sameeyey Madaxweyne Obama.

Madaxweyne Brack Obama ayaa si kulul u canbaareeyay Weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Jaamacada Magaalada Gaarisa, Waxana uu Obama muujiyey sida uu uga xun yahay wixii ka dhacay Halkaas iyo dadkii lagu laayey.

Madaxweynaha Dalka Mareykanka ayaa u sheegay Madaxweynaha Kenya in ay garab taagan yihiin ayna ka gacan siinayaan sidii looga adkaan lahaa Kooxaha argagaxisada ah, waxa uuna u cadeeyay in dhawaan uu iman doono Dalka Kenya.

Madax badan oo caalamka katirsan ayaa si kulul u canbaareeyay weerarkii AL-Shabaab ku galeen Xarunta Jamaacada Gaarisa , waxaana Weerarkaasi Al-Shabaab ku dileen in ka badan 147-qof waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 100-qof oo kale.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment