Saturday, April 4, 2015

Jabuuti oo Walaac ka muujisay weerarro Xuutiyiintu u geystaan Maraakiibta Isticmaala Marin-biyoodka Baabal-Mandab

Jabuuti, 04 April, 2015 (Himilo)- Xukuumada Jabuuti ayaa walaac weyn ka muujisay weeraro dagaalyahanada Xuutiyiinta yemen la maagan yihiin inay ku qaadaan maraakiibta ganacsi ee isticmaala marinka Baabal-mandab, isla markaana dagaal ka bilaabma dhow yahay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in dagaalyahanada Xuutiyiintu bilaabeen inay gantaalo saaraan doonyaha dheereeya ay ku weeraraan maraakiibta maraya marinka Baabal-mandab, waxaanu yidhi, “Xuutiyiinta Yemen waxay bilaabeen inay doonyaha dheereeya ku rakibaan gantaalo ay ku weeraraan maraakiibta ganacsi ee isticmaala marinka Baabal-mandab, ka dib markii ay jasiirada Perim ee u dhexeysa jabuuti iyo Yemen fadhiisteen.”

Marinka baabal-mandab oo ka mid ah dariiqyada maraakiibta ganacsiga aduunku isticmaalaan ayuu sheegay Wasiirka Khaarajiga Jabuuti in gantaalada Xuutiyiintu diyaarsadeen gaadhayaan, isla markaana dagaal ka bilaabma lama huraan yahay, waxaanu yidhi, “gantaalada Xuutiyiintu diyaarsadeen way gaadhayaan maraakiibta isticmaala marinka Baabal-mandab, dagaal halkaa ka bilaabmaana waa lama huraan.”

Hadalka xukuumada Jabuuti ayaa ku soo beegmaya xilli dagaalo qadhaadh ka socdaan gudaha dalka Yemen oo u dhexeeya dagaalyahanada Xuutiyiinta iyo ciidamo taabacsan madaxweynahii dalka ka cararay ee Hadi oo taageerayaan isbahaysi uu hogaaminayo dalka sacuudigu.

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment