Saturday, April 4, 2015

“Xidhiidhka Aniga Iyo Madaxweynaha Waxba Iskama Beddelin”

Hargeysa, 05 April, 2015 (Himilo)- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka hadlay xidhiidhka uu xilligan la leeyahay madaxweynaha Siilaanyo, kaddib markii maalmihii u dambeeyey ay soo baxayeen warar ka dayriyey nooca xidhiidh ee ka dhexeeya Wasiirka iyo Madaxweyanaha oo la sheegay inaanu wanaagsanayn. Waxaanu wasiirku ku dooday in dadka mucaaradka ku ah oo jecel in shaqada laga fadhiiyo ay buun-buuniyeen warkaas.

Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ahaa weftigii xukuumadda uga qayb-galay aqoonsigii Golaha Degaanka Cardiff ee dalka Ingiriisku siiyey Somaliland oo dalka ku soo laabtay Khamiistii Dorraad, ayaa madaarka Hargeysa ugu warramay saxaafadda, waxaana wax laga weydiiyey waxa ka jira inaanu wanaagsanayn xidhiidhka u dhexeeya isaga iyo madaxweynaha.

“Waxa aan filayaa shanta sanno ee aan joognay qaar ayaa filayey in xidhiidhka noo dhexeeya anniga iyo madaxweynaha uu xumaado oo kala tagno, iskuna dhacno, kuwaasoo lahaa waa la eryey iyo wuu tagay, markaa xidhiidhka noo dhexeeya anniga iyo madaxweynaha waxba iskama beddelin oo sidii uu ahaa ayuu yahay waanan shaqaynayaa oo waad arkaysaa inuu shaqo ii diray, shaqadii uu ii dirayna waan soo gutay, markaa waxma kama jiraan in xidhiidhkayagu xumaaday,” ayuu yidhi wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Waxa uu wasiirku ka warbixiyey natiijada socdaalka ay isaga iyo weftiga uu qaybta ka ahaa ku tageen dalka Ingiriiska iyo go’aankii golaha deegaanka Cardiff ku taageereen qadiyadda madax-bannaanida Somaliland, waxaanu yidhi, “Waxa la yidhi ‘waddada yar waxay kugu riddaa waddada weyn.’ Ictiraafka Golaha Degaanka ee Carddif maaha ictiraafkii weynaa ee 100% ka helnay UK ama beesha caalamka, laakiinse waa bilawgiisii, waxaanan rajaynayaa in aannu beesha caalamka ku qancino ictiraafka Somaliland.”

 

Himilomedia

Hargeysa

 

No comments:

Post a Comment