Thursday, March 6, 2014

Qaxoontiga Al-Shabaab oo sii badanaya, Cabsida Puntland ka muujiyey, Walaaca dagaal ku soo Wejahan Muqdisho, Go’aanka Hubka ee QM iyo Dalabka Amnesty

Nairobi, 06 March, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa ku dhalliilay dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu sheegay inaanay kala tashan go’aammada laga soo saaray hawl-gallada ee dagaalla ay kula jiraan Malleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaanu walaac xooggan ka muujiyey saamaynta ay Al-Shabaabta ka soo qaxaysa dagaallada Koonfurta deegaannadooda ku yeelan karto.


Shaacinta la-dagaallanka Al-Shabaab ee dawladda iyo Xulufadeeda:

Militants of al Shabaab ride on pick-up trucks after displaying their weapons on the outskirts of MogadishuDawladda Soomaaliya, ayaa dhawaan sheegay inay bilaabayaan hawl-galllo ay dalkaas kaga sifaynayaan Kooxda Al-Shabaab, ka dib markii Ciidammo ka socda dalka Itoobiya ay ku biireen Ciidammada nabad-ilaalinta AMISON, kuwaasoo ay sheegeen inay ka caawinayaan sidii deegaammada Koonfurta Soomaaliya looga saari lahaa Kooxda Al-Shabaab. Taliska Ciidammada Midawga Afrika ee AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, ayaa isaguna dhawr jeer shaaca ka qaaday tan iyo bilawgii sannadkan inay dagaallo kulul oo lagu cidhib-tirayo Al-Shabaab bilaabayaan bilaha u horreeya ee sannadkan.

Werwerka Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Muujiyey:

1aad (3)

Cabdiweli Gaas waxa uu iftiimiyey dareen cabsi leh oo uu ka qabo in Malleeshiyaadka Al-shabaab ee laga soo saari doono Koonfurta Soomaaliya ay fadhiyo ka samaysan doonaan Buuraha Gal-gala ee duleedka Boosaaso oo Saldhig u ah dagaal-yahanno gacan-saar la leh Al-Shabaab.

Madaxweynaha Puntland oo waraysi siiyey Wakaaladda Wararka ee Reuters, waxa uu yidhi; "Ma jiro xog aannu ka hayno hawlgalka Al-Shabaab laga soo saarayo Soomaaliya. Waxaannu leenahay cadow isku mid ah. Al-Shabaab, dhab ahaan waxay ahayd in wada-tashi aannu ka yeelanno. Waa xaqiiq in qaar ka tirsan Shabaab gabbood ka soo dhigan doonaan xuduudka Puntland, gaar ahaan buuraha Galgala.” Cabdiweli Gaas waxa uu sheegay inuu werwer ka qabo in hawlgalka Al-Shabaab lagaga soo saarayo koonfurta Soomaaliya xasillooni-darro ka abuuri karto Puntland.

Go’aanka Fasaxaadda Hubka ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay Shalay gaadhay:

1aad (2)Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa shalay isku raacay in lagu kordhiyo siddeed bilood muddadii fududeynta cuna-qabataynta hubka ee saarnayd Soomaaliya, inkastoo shuruuc adag lagu maamuli doono soo iibsashada, diiwaangelinta iyo xafididda Hubkaas.

Safiirka Ingiriiska u fadhiya Qaramada Midoobay Mark Lyall Grant, oo Xukuumaddiisu soo qabanqaabisay qaraarkan ayaa u sheegay warbaahinta in shuruucda maamulka hubka soo iibsigiisa loo oggolaaday Soomaaliya si waadax ah u caddeynayaan in Xukuumadda Soomaaliya raacdo dabarka adag ee ilaalinta iyo ka warhaynta hubka ay soo dejiso.

1aad (1)“Dabarkan waxa ujeeddadiisu tahay, Hubinta inaan hubkaasi gelin gacmaha shabaab. Halista in Hubku gaadho gacmo ka baxsan Xukuumadda waa mid jirta.” Sidaa ayuu yidhi  Lyall Grant oo muujiyey in Xukuumadda Soomaaliya ballan-qaadday buuxinta shuruudaha lagu xidhay.

Dalabka Hay’adda Xuquuqda Aadamaha Amnesty International:

Kordhintan shalay ka hor ayey Hay’adda xuquuqda Aadamaha ee Amnesty ka dalbatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in si buuxda cuno-qateynta Hubka ugu soo rogaan Soomaaliya. Agaasime Ku-xigeenka Hay’adda u qaabbilsan Afrika, Michelle Kagari, ayaa sheegtay in haddii cuno-qabateynta hubka laga qaado Soomaaliya ay sii kordhi karto xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqul aadamaha ee ka dhacaya Soomaaliya.

“Haddii la oggolaado in hub badani uu galo Soomaaliya waxay arrintaasi horseedi kartaa masiibo, sidaa darteed waa in Golaha Ammaanka uu si buuxda ugu soo rogo Soomaaliya cuno-qabteynta hubka si ammaanka dalku aanu faraha uga bixin.” ayaa lagu yidhi warbixinta ay soo saartay Amensty International. Hay’adda ayaa warbixinteeda ku sheegtay in muddadiii u dhexaysay 2012-kii illaa 2013-kii ay sare u kacday tirada dhimashada dadka rayidka ah marka la barbar dhigo sannakii ka horreeyay ee 2011-kii.
Digniintii u dambaysay ee Xukuumadda Soomaaliya:

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdillaahi Goodax Barre, ayaa sheegay in Muqdisho uu kusoo fool leeyahay dagaal ba’ani, isla markaana  loo baahan yahay inay shacabka Soomaaliyeed gacan ku siiyaan dowladda sidii dagaalkaas looga hor-tegi lahaa.

Wasiir Goodax, ayaa sheegay in Al-shabaab markii ay ku jabeen gobollada dalka ay soo buuxiyeen magaalada Muqdisho, isla markaana ay wadaan qorshayaal ay Muqdisho dhibaatooyin ka geysanayaan, taasoo u baahan in la iska kaashado ka hortaggeeda. “Shaki kuma jiro magaaladan Muqdisho inay colaadi kusoo wajahan tahay, waxaana shacabka iyo dowladda oo isku-duuban looga baahan yahay inay ka hor-tagaan, waayo? Al-shabaab markii ay ku jabtay gobollada ayay kasoo buuxsameen Muqdisho.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdillaahi Goodax Barre oo Warbaahinta Muqdisho  kula hadlay.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ka dalbanayaan inaan qabiil-qabiil loo qaybin, in aan been loo sheegin, balse ay u diyaar-garoobaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen kuwa doonaya inay Muqdisho ka qixiyaan mar kale.” ayuu yidhi Wasiir Goodax Barre. Waxaanu sheegay in Al-shabaab ay tahay koox aan Diin iyo Iimaan lahayn, waxaanu xusay inay doonayaan inay marar kale barakaciyaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada ku dhaqan Caasimadda Muqdisho.

Wasiir Goodax oo shacabka Muqdisho la hadlayaa waxa uu yidhi; “Shacabku waa inay soo sheegaan kuwa dhibaatada wada, mar labaad yaan la idinka barakicin magaaladiinna Muqdisho, waa codsiga Xukuumaddu soo jeedisay ee soo sheega kuwa dhibka wada si aanay magaaladan gabbood uga dhigan.”

HIMILOMEDIA.COM/HARGEYSA

No comments:

Post a Comment