Thursday, August 21, 2014

Abwaan Hurre Walanwal oo Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa ka difaacay eedo loogu jeediyey Xiisadda ka taagan Woqooyiga Burco

“Waar dalkan waan aqaannaayoo Bahal iga da’waynoo Dad cunihi ma joogee, la ima didin karaayee ha igu tumin Durbaannada iyo Daasadaha madhan.”

“Ragga dhawrka ah ee aan anigu qaar aad u aqaan, waxay aad ugu talo-galeen inay dab huriyaan oo ay shidaan, waxay u shaqaynayaan Xisbiyo anigu xog-ogaal baan u ahay..” Abwaan Hurre Ibraahin Warsame (Hurre Walanwal)

Burco, 21 August, 2014-(Himilo)- Abwaan Hurre Ibraahin Warsame (Hurre Walanwal), ayaa Shaqaaqada ka dhacday iyo Xiisadda ka taagan Balliga Diirye Guuleed oo 18KM dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ku eedeeyey inay ka dambeeyaan Xisbiyada Mucaaridka ah oo iyaga loogu danaynayo, halkaas oo ay ku muransan yihiin laba Beelood, rabshadona ka dhaceen dhawaan.
hurre walalnHurre Walanwal, waxa uu difaacay eedaymo Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa loogu jeediyey inay qayb ka tahay masuuliyadda dhibaatada halkaas ka dhacaysa, iyadoo deegaankaas Jimcihii dagaal ka dhacay ay mid ka mid ah Beelaha ku muransan Magaalaynta iyo Daaqsin u daynta Balliga Diirye Guuleed ay dhaawaceen laba Sarkaal oo Booliska iyo Millateriga ka tirsan, halka iyagana hal qof laga dhaawacay mid kalena laga qabtay.
“Waxaan ka hadlayaa Barnaamij beryahanba soconayey ama ay aasaar u ahayd Beesha Axmed Faarax iyo Cabdalla Arab baa isku laayey dhul, dadka adduunyada ku kala filiqsan waxaan ogeysiinayaa warkaasi inuu yahay mid been abuur ah, wax ka jiraana ma jiraan. Beesha Axmed Faarax boqol meelood marka laga dhigo meeli kama oga, meeshaa waxaan sheeko ku hayaa oo magaalada Burco igu soo gaadhay hawl aan aniga iyo rag ila socday oo Guddi ahi ka galnay.” Sidaa ayuu yidhi Abwaan Hurre Ibraahin Warsame oo isaga iyo Xubno kale oo Beeshiisa ka tirsani shalay Shir Jaraa’id ku qabteen magaalada Burco.
Waxaanu Hurre Walan-wal oo hadalkiisa sii watay intaas ku daray oo uu yidhi; “Niman Beesha Guuleed Biniin ah iyo Reer Cabdalla Arab ka tirsan ayaa isku qabsaday meel u dhaxaysa meesha la yidhaahdo Dindiinta iyo Booraamo, qolana waxay tidhi; ‘waa qodanaynaa Baraagaan ka dhigaynaa’, qolana waxay tidhi; ‘Dhul-daaqsimeed ha innoo ahaato,’ labada Reerna marka horeba waa wada yaalleen, waxay hore uga wadahadleen-na way ahayd, annagu waxaannu ka galnay inaan wax rabshad ahi ka dhicin ee afqaboow ay ku wadahadleen oo wixii labada Reer u dan ah meesha way wada degaan oo way wada leeyihiine inay ka tashadaa ayaannu ka talinnay, Biniin inta kale in yar oo Guuleed Biniin ka tirsan mooyaane inta kale annaga ayay nala tabcaysay, Axmed Faarax-weynana daaba.”
Waxa uu sheegay Hurre Walalawal inaanay Arab iyo Habar-jecle waligood aan dagaal dhex-marin, waligood aanay is-jidh-diidin, isla markaana ay Habar-jeclo ahaan u arkaan inay Arab iyo Habar-jeclo iska xigaan inta kale ee ilma Isaaq. Waxa uu intaas ku daray Hurre in Arab yahay Beel waayo-arag ah oo aan loo sheekayn karin, isla markaana dagaal aan si dhib yar ku gelin oo ay Walaalo yihiin, isla markaana Beel waliba og tahay inaan beesha kale cadaw ku ahayn.
Hurre Walan-wal, waxa uu xiisadda ka taagan Balliga Diirye Guuleed ku eedeeyey inay ka dambeeyaan Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland, isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi; “Ragga gobollada ka hadlaya ee dhawrka ah ee qaar aan anigu aad u aqaan, waxay aad ugu talo-galeen inay dab huriyaan oo ay shidaan, waxay u shaqaynayaan Xisbiyo anigu xog-ogaal baan u ahay dad baa loo yaboohayaa Xisbiyadaas, waxaan leeyahay waar Dhiig iyo xumaan wax haku doonine degganaan iyo wanaag wax ku doona.”
Abwaan Hurre Ibraahin Warsame (Hurre Walan-wal), oo daba socday hadallo ka soo yeedhay Masuuliyiin Dhaqan oo kala duwan, gaar ahaan hadal uu Suldaanka guud ee Beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo sheegay in haddii Siilaanyo odhan jiray Daahir Rayaale ul ayaannu Madaxtooyada kaaga soo saari in isaga wax kale lagaga soo saari doono, waxa uu Hurre sheegay inaan hadalkaasi habboonayn.
“Nimanka hadlaya ee Madax-dhaqameedka ah waxaan leeyahay dalka iyo dadka nabaddiisa hallaga shaqeeyo. Ragga leh wax kale ayaannu kaaga soo saari Siilaanyo, waxaan leeyahay waar ka daaya ma wanaagsanee. Waar dalkan waan aqaannaayoo Bahal iga da’waynoo Dad cunihi ma joogee, la ima didin karaayee ha igu tumin Durbaannada iyo Daasadaha madhan.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment