Hargeysa, 21 August, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa ka hadlay shaqaaqo dhowaan laba beelood ku dhex-martay deegaanka Balliga Diiriye Guuleed oo dhinaca Woqooyiga kaga beegan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, halkaas oo khasaare dhaawac ahi ka soo gaadhay askar ciidanka qaranka ka tirsan oo la weeraray.

Md Cali Maxamed Waran-cadde waxa uu arrimahan kaga hadlay mar uu shalay u warramayey warbaahinta ka dib kulan albaabadu u xidhnaayeen oo uu la yeeshay guddi-hoosaadka Ilaalinta Hantida Qaranka iyo Daba-galka Musuq-maasuqa ee golaha Wakiillada Somaliland oo wax ka weydiiyey xaaladda dalka.
Md Waran-cadde waxa uu sheegay in shaqaaqadii ka dhacday duleedka Burco ay hadda ku dhawdahay in la soo af-garto isla markaana ay xukuumad ahaan ka hawl-galeen sidii loo xal kama dambays ah looga gaadhi lahaa khilaafka dhinaca dhulka ka dhashay ee dhexmaray labada beelood.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay go’aamo uu dorraad soo saaray oo ka hadlayey ilaalinta Karaamada Madax-dhaqameedka, taas oo daba-socotay madax-dhaqameedka magaalada Burco loogu xidh-xidhay xiisadda ka aloosan Balliga Diiriye Guuleed, waxaanu yidhi, “Madax-dhaqameedku qayb weyn ayay kaga jiraan jiritaanka qaranka Somaliland, taariikh dheerna way ku leeyihiin qaranka, markastana waa madaxdii bulshada. Sidaa darteed waxa ay la shaqeeyaan wasaaradda daakhiliga, waxaananu jecelnahay inaanu markasta mahad-naq balaadhan u celiyo, sida quruxda badan ee ay aniga iila shaqeeyaan, markastana dhib ayaa kasoo gaadha marka ay xalinayaan dhibaato ku timaada, waxaanad markasta maqashaan caaqil hebel ayaa la xidhay, xadhigaasoo aanay iyagu kasban, taasina mar dambe dhici mayso ayaan odhan lahaa.”
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay ku hawlan yihiin diyaarinta sidii dalka looga qaban lahaa diiwaangelinta muwaadiniinta, waxaanu ku dhiirri-geliyey shacabka inay si waddaniyad leh uga qayb-qaataan diiwaangelinta oo uu sheegay inay dalka ka qabsoomi doonto dhawaan.
Dhinac kale, waxa uu ka warramay wasiirku ujeeddada kulan saxaafaddu dibad-joog ka ahayd oo muddo saacado ah u socday isaga iyo guddiga Ilaalinta Hantida Qaranka iyo Dabo-galka Musuq-maasuqa, waxaanu yidhi, “Guddidu way ii yeedhay, waxayna i waydiiyeen su’aalo aan aad u jeclaystay, Waayo? Dawladdeenu waa mid isku xidhan, mar walbana in la iska war hayo ay tahay, waxaa muhiim ah in hawlaha socda ay guurtida iyo wakiilladuba ogaadaan.markaa runtii su’aalo badan ayay I waydiiyeen, waxaananu iskula garanay si fiican, wixii dambe ee ay nooga baahdaana diyaar baanu u nahay markaa intaas ayaa na kala gaadhay maanta (shalay) guddida” ayuu yidhi wasiirka daakhiligu.
Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka ilaalinta Hantida Qaranka iyo dabo-galka musuq-maasuqa Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama), ayaa dhinaciisa faahfaahin ka bixiyey kulanka dhexmaray wasiirka Arrimaha Gudaha, waxaana ka mid ahaa hadalladiisii, “Annagoo ah guddida hantida qaranka waxaanu maanta (shalay) la kulanay Wasiirka daakhiliga. Waxaanu ka wada-hadalnay oo uu xog naga siiyay hawlaha uu qaranka u hayo, annaga guddi ahaanna, waxaanu ku ballanay inaanu ka wada shaqayno hawlaha qaranka danta u ah, xog-waran balaadhan ayuu na siiyay waxaananu ku heshiinay sidii aanu u wada shaqayn lahayn,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Ilaalinta Hantida Qaranka iyo Daba-galka Musuq-maasuqa ee Golaha Wakiillada Md Maxamed Cali Xirsi.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment