Friday, August 15, 2014

Addis Ababa:Shaqaale Caafimaad Oo Loo Tababaray Ka Hortagga Cudurka Halista ah ee Ebola

Addis Ababa:Aug,15,2014(Himilo)-Dawladda Waddanka Ethiopia ayaa ku dhawaaqday inay  tababar ku saabsan Ka Hortagga Cudurka Ebola u samaysay Shaqaale ka tirsan Waaxaha Caafimaadka ee Dalka Ka Hawlgala.

anti ebWasaaradda Caafimaadka oo Warkan soo saartay ayaa sheegtay in shaqaale gaadhaya 200 oo ruux ay u tababartay ka hortagga iyo xakamaynta cudurka Ebola oo laga cabsi qabo in uu soo gadho dalalka ku yaalla bariga Afrika.

“Dalkan kama jiro lagumana arag guud ahaan wax la xidhiidha cudurkan, balse ka hortagga ayaa wax kasta ka wanaagsan,“ ayuu yidhi madaxda xidhiidka dadweynaha ee wasaaradda caafimaadka Itoobiya Ahmed Imano oo la hadlay ENA.

Tababarka la siiyay shaqaalahan caafimaad ayaa socday muddo 15-cisho ah, iyadoo loo diyaariyay qaabkii ay ku garan lahaayeen calaamadaha ruuxa qaba cudurkan Ebola o si xowli ah ugu fidiyay dalal ku yaalla Afrika.

 

Wasaaradda caafimaadka Itoobiya ayaa sheegtay in qofka lagu  garan karo in cudurkan uu qabo muddo u dhaxaysa 2 ilaa iyo 21-cisho, iyadoo guud ahaan dalka laga bilaabay wacyi galinno la sii-nayo bulshada rayidka ah oo la xidhiidha khatartiisa.

Sidoo kale, waxaa la baadhayaa qof walba oo kasoo daga garoonka Bole oo ah kan ugu caalamisan garoommada diyaaradaha Itoobiya looguna isticmaalka badan yahay, waxaana la hakiyay duulimaadyadii ka iman jiray dalalka lagu arkay xanuunkan.

Ugu danbayn, khasaaraha dhimasho ee ka dhalatay cudurka Ebola ayaa sii kordhaysay maalmihii la soo dhaafay ,waxaana tirada dhimashada ay gaadhay 1400-ruux oo ka soo kala jeeda wadamada kala ah Sere leone, Liberia iyo waliba wadanka Ginue.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment