Friday, August 15, 2014

Laba Ka Mid ah Idaacadihii Ka Hawlgeli Jirey Muqdisho Oo Saaka Hawada Laga Saaray

Muqdisho:Aug,15,2014(Himilo)-Laba ka mid ah idaacadihii gaarka loo lahaa eek a Hawlgeli jirey Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia, ayey ciidamo ka tirssan Dawladdu saaka Albaabada u laabeen.

hsabWararku waxa ay sheegayaan in Idaacadaha Shabelle iyo SKY ee Magaalada Muqdisho ay gudaha u galeen Ciidamada Nabadsugida islamarkaana ay kala furfureen gabi ahaan qalabka Idaacadahaasi laga hagi jirey.

Idaacadahan la wareeray ayaa aad uga soo horjeeday Howlgalada Dowlada Soomaaliya ay maalmahan kawaday Magaalada Muqdisho , waxa ayna Idaacadahani saaka si toos ah u tabinayeen dagaalka Degmada Wadajir ku dhax marayay Ciidamada Huwanta ah iyo kuwa Axmed Daaci oo ah Guddoomiyihii hore ee Degmadaas oo aqalkiisa la weeraray.

 

Dawladda Federalka somalia ayaa iyagu maalmahani ku kacsan Shaqsiyaadka iyo Idaacadaha sida dhow uga soo horjeeda danaha Siyaasadeed ee Dam-Jadiid, iyadoona iminka ay Ciidamadu ay xidheen Labadaasi Idaacadood oo ay u arkeen inay kasoo horjeedan Hanaanka kooxda Dam Jadiid ee Xasan sheikh dalka u hoggaamiso.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment