
“Waxay nagu wargeliyeen askarteenna ku sugan Soomaaliya inaanay muddo lix bilood ah qaadan wax mushaharaad ah; mid ka mid ah ciidamada ayaa ila soo xidhiidhay, wuxuuna iiga warramay cabashooda ku aaddan mushahar la’aanta,” ayuu yidhi xildhibaan Muwama.
Xubnaha guddiga difaaca baarlamaanka Uganda ayaa wasaaradda Difaaca dalka Uganda ka dalbaday inay si dhaqso ah u hor-timaado baarlamaanka si wax looga weydiiyo cabashada ciidamada Uganda ee qaybta ka ah AMISOM.
Jen. Katumba Wamala oo ah taliyaha ciidamada lugta Uganda ayaa sheegay in mar walba mushaharka ciidamada ay bixiyaan ururka Midowga Afrika, taas oo ay uu soo diro Midowga Yurub, isagoo xusay inuu jiro kala go’ dhinaca soo gudbintay lacagta ah loona baahan yahay in la dul-qaato.
Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan ayaa waxaa mushaharkooda si toos ah u bixiya Midowga Yurub, iyagoo soo marsiiya Midowga Afrika, waxaana askari walba mushahar ahaan loo siiyaa bil walba 1,028 doollarka Mareykanka ah.
Dalka Uganda oo askartiisu ay ka cabanayaan Mushahar la’aan ayaa ah kuwa ugu badan ee AMISOM, waxaana sidoo kale ciidamadan ka jooga Soomaaliya, waxaana saraakiil iyo askar ka tirsan lagu helay xatooyo, taas oo keentay in maxkamado lasoo taago.
Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxay tiradoodu gaadhaysaa 22,000 oo askari, kuwaasoo gacan ka siiya dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto xoogagga Al-shabaab oo dhowr jeer isku dayay inay dowladda xukunka ka tuuraan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment