
Muuqaalkan ayaa ahaa wariye James Foley oo la waayay bishii November ee sanadkii 2012, xilligaasoo laga qafaashay dalka Suuriya.
Wariyahan ayaa akhrinaya bayaan ka hor inta aanay kooxdu gowricin, waxaana uu ku eedeeyay dowladda Mareykanka inay tahay mida ka mas’uulka ah dilkiisa.
Dowladda islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya ayaa sheegtay in tallaabadan ay uga jawaabayaan fara gelinta Mareykanka uu ku sameeyay Ciraaq iyo duqeymaha uu ka wado waqooyiga dalkaas.
James Foley ayaa la qafaashay bishii November ee sanadkii 2012, xilligaasoo uu ka soo waramayay dagaalka Suuriya
Muuqaalkan oo la sii daayay shalay oo Salaasa aheyd ayaa lagu sheegay inay fariin u tahay Mareykanka, oo ay uga digayaan inuu joojiyo fara gelinta milateri ee uu Ciraaq ku haayo.
Dhinaca kale kooxda Daacish ayaa sheegtay inay hayaan wariye kale oo Mareykanka u dhashay, kaasoo lagu magacaabo Steven Sotloff, waxaana isna la qafaashay bisii July ee sanadkii 2013.
ISIS ayaa sheegtay in Wariyahan ay noloshiisa ku xidhan tahay tallaabada xigta ee uu Mareykanka qaado, sida lagu sheegay bayaan kooxda soo saartay, kadib gowraca James Foley.
Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada cirka ah ee ka dhanka ah dowladda Islaamiga, iyadoo ciidamada Kurdiyiinta ay horumaro ka sameynayaan dagaalka ka socda waqooyiga Ciraaq.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment