Sunday, August 3, 2014

Dhallinyaro Uu Ku Jiro Fudaydiyihii Weerarkii Dhawaan Lagu Qaaday Villa Somalia Oo Saaka La Toogtay

Muqdisho:Aug,03,2014(Himilo)-Waxa Saaka Muqdisho lagu toogtay saddex dhallinyaro ah oo lagu xidhiidhiyey Al-shabaab, kuwaas oo uu ku jiro Ninkii Fududeeyey Weerarkii dhawaan lagu qaaday Madaxtooyada Somalia.

togeDambiilayaasha saaka lagu toogtay Tiirka Iskool Bolisiya ayaa kala ahaa Xasan Muyadiin Xasan oo ahaa ninkii fududeeyay weerarkii madaxtooyada Villa somalia, Aadan Maxamed Xasan iyo Bashiir Xasan Maxamed oo iyagu gacantooda ku dilay xisaabiye ka tirsanaa wasaaradda maaliyadda oo lagu magacaabi jiray allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Deeq Cabdi Aadan, sida ay maxkamaddu sheegtay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada iyo mas’uuliyiinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa goob ka ahaa fagaaraha Iskool Boliisiya oo ah halka uu ku yaalo tiirka lagu toogtay  gacan ku dhiiglayaashaasi.

 

Dadweyne farabadan ayaa goobta ku suganaa, kuwaas oo usoo daawasho tegay toogashada saaka lagu filiyay dhallinyaradaas lagu eedeeyey inay Al-shabaab ka tirsanaayeen.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment