
Madaxweynaha Somaliland oo markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa warbixin kooban siiyey warbaahinta ayaa waxa uu ka waramay safarkii uu ku maqnaa, waxaanu tilmaamay inuu fasax nasasho ah ku soo qaatay dalka Ingiriiska.
Madaxweynaha Somaliland oo guud ahaanba laga hor istaagay inay warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland wax su,aal ah waydiiyaan ayaa si kooban uga hadlay safarkiisii waxaanu yidhi “Farxad weyn ayey ii tahay inaan dalka ku soo laabto aniga oo mudo labaataneeyo cisho ah ka maqnaa, mudadaas aan maqnaana waxaan sii maray dalka Ethiopia halkaas oo aanu dawladda Ethiopia isku aragnay kana wada hadalnay y danaha labada dal, ka bacdina waxaan u gudbay dalka Ingiriiska halkaas oo aan mudo fasax ah ku maqnaa bulshada Somaliland ee halkaas joogtana aan iyagana fursad u ehlo inaan qaybo badan kala duwan aan la la kulmo oo aanu la ciidno, oo aanu kala hadalno danaha dalka, baahiyaha wixii ay igu sheeganayeena ay noo sheegeen taageerada dalka iyo dadkana aanu ku guubaabinaynay hadlo wakhti, taageero weyn iyo niyad wanaagsana dalka iyo dadka u muujinayey.” Ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa markii uu dalka kasii dhoofayey si haboonn uga jawaabay su’aalo ay saxaafadda madaxa bannaani weydiisay, balse maanta taas waa laga diiday saxafadda Madaxa Bannaan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment