Tuesday, August 5, 2014
DHULKA WAA LAWADA LEEYAHAY WAANA LA KALA LEEYAHAY -W/QAxmed-Sakatuuri Aadam Cadhood
Tan iyo wakhtigii dawladdii maxamed siyaad barre ka talinaysay dalkii la isku odhan jiray
Soomaaliweyn,wuxuu hirgeliyey seerayaal uu ka sameeyey gobolada waqooyi iyo kuwa koonfureed Seerayaashaasi waxa ka hawlgeli jiray ciidan boolis ah, dhakhaatiir caafimaadka xoolaha la socda, Xoolahaasina waxay seerayaasha ku soo baxsan jireen xilliga abaaraha oo xoolaha waxa loo ogolaa maalintii oo dhan inay seerayaasha daaqaan xilliga gabal dhaca markuu soo dhoowyahayna laga saaro oo reer kasta oo xoolo keenay ay ku celiyaan xoolahoodii xeryihii ay ka soo kaxeeyeen, xoolahaasi inta raxmadda allaah shubayo seerayaashaas ayey wixii allaah(swt) ka siiyo ay ka cunni jireen, maalinta roobku
da'ana oo dhulku ka soo baxo doog, baliyada, ceelasha iyo dooxooyinkuna ay biyo ka buuxsamaan oo deegaan kastaaba barwaaqadu isu baxdo wax xoolo ah oo seerayaashaas la soo gelinayaa may jirin ama ganacsato kooto loogu xidhayo. haddaba waxa beryahan soo baxayey dhulkii seerayaasha ahaan jiray wakhtigii dawladdii maxamed siyaad barre
oo xukuumadeena uu M/weynaha ka yahay Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku dhawaaqay sidii seerayaashaas loo soo celin lahaa, waxaana xil aad u weyn iska saaray wasaaradda xanaanada xoolaha oo uu wasiir ka yahay Dr: Cabdi Aw Daahir juhdi badanna u galay sidii uu uga dhabayn lahaa in la soo celiyo seerayaashii
waxa isweydiin leh habkee baa ugu wanaaagsan oo lagu soo celiln karaa seerayaasha?
Seerayaashu ma ka farxin karaan dadka deegaanka? mise xaalku waa timir laf ayaa ku jirta? waxa muddooyinkanba dhegaha shacabka ku batay qabiilooyin hub urursaday oo leh deegaamadayada seere lagama dhigi karo oo xabad ama dhimasho ayaa naga xigta, anigu fekerkayga labadaas qolo ee xukuumadda iyo qolada seerayaasha diidan midina ma qaldana sababtoo ah xukuumaddu haddii ay seerayaashaas ay xaq u yeelanayaan deegaanka seerayaasha laga samaynayo oo dadka xoolo dhaqatada ah ee reer guuraaga ah loo xidhayo oo xilliga abaaraha ay xoolahoodu ku baxsanayaan oo shaqaalaha ka hawlgelayaa iyo dhakhaatiirtuba ay dadka deegaanka noqonayaan xukuumadda ayaa sax-san oo waa in ay dadka xoolo dhaqatada ah ee deegaanka seerayaasha laga hirgelinayo ay xukuumadda garab istaagaan, haddii seerayaashaas loo xidhayo shaqsiyaad xoolaha ka ganacsada oo la doonayo in KOOTO loogu xidho xoolahooda oo wakhti kasta oo lagu jiro barwaaqo ama abaar in xoolahoodu ay daaqaan dhulkaas seerayaasha laga dhigay haddii ay arrintaasina ay u dhacdo in ganacsatada loo xidhayana waxa xaq u leh oo ay waajib ku tahay inuu ku dagaalamo kuna dhinto dadka deegaankooda ay ilaa ka awoow xoolahoodu
daaqayeen oo meel ay ku doorsadaan ama ay dhaafsadaan aanay naftoodu ogolayn waxaana ay noqonaysaa in dadka deegaankooda laga baro kicinayo la bar-bar istaago oo xukuumadda ama wasiirada is lahaa wax toosiyana ay arrinkoodii qalooc noqday waa in shacabweynaha reer somaliland ay saxaan oo xaqa loo sheego sababtoo ah xaqa oo la isu sheego waxa bad-baadaya oo nabadgelaya gaas-dhegoolihii hubaysnaa iyo ciidamadeena qaranka oo looma baahna in xukuumadda iyo qabaa’ilada reer somaliland colaad la kala dhexdhigo waxaynu nahay umadd Allaah(swt) sharfay oo karaameeyey oo marka ay is qabtaan arrinta la gudo galo oo cagta dhulka loo dhigo oo la isu tanaasulo waana halka aynu dheernahay caalamka intiisa kale oo aanay gaalo iyo muslim dibadda inagaga yimi
aanay waxba inoo yeedhin karin, dhulkana waa lawada leeyahay waana la kala leeyahay oo deegaanada seerayaasha sida Qool-caday,Aroori,Banka tuuyo booq,Lafa ruug,Ceel-afweyn,Yufle iyo dhamaan seerayaasha kale waxa xaq u leh xilliga abaarta dadka deegaankaas ku hareeraysan haddii laga fursan waayana deegaamada kale haddii aanay
seerayaal lahayn waxay xoolahooda gaynayaan deegaanka ugu dhow masaafo ahaan,
xukuumaddana waxa looga fadhiyaa inaanay xaalkoodu muquunin aanay noqon ee ay garab istaagto dadka xoolo dhaqatada ah oo la barbar taagnaado sababtoo ah waxa lagu dhisan yahay oo inoo shidaal ah waa xoolaha Allaah(Swt) inagu manaystay oo aynu wadamo badan oo caalamka ah aynu ka xoolo badanahay. xukuumadda waxaan kale oo kula talinayaa weliba khaasatan M/weynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane:Axmed-Siilaanyo waa inaanay degreetadaadu aanay faalso noqon sababtoo ah Mudane M/weyne
waxaad wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta ku hoos gaysay dhulka danta guud haddana degreetadaas dhegba waa loo jalaqsiin waayey waxaana ugu wacan dulqaadka badan ee aad caadaysatay ee ay maanta ku soo dhiiro dhaansadeen xildhibaanaddii dawladaha hoose ee aad kala baxsanaysay dhulka danta guud oo maalinba meel sifo sharci daro ama suuq madoow oo tuugo farsamaysan ah ku bixinayaan dhulkii taariikhda lahaa ee ay ku suntanaayeen Mujaahidiintii ku shahiiday gaalkii ingiriis ee ay jihaadka xalaasha ah ay kula jireen sida halgamaa Sheekh Bashiir,Halgamaa Axmed-Guray, Halgamaa Faarax Oomaar, Halgamaa Sayid Cabdulle Xasan waana inaad talaabo cad ka qaadid xildhibaanada deegaanka ee caadaystay inay shacabka iyo xukuumadda ay kala fogeeyaan oo ay colaadi dhexmarto, Shaqsiyaadka xildhibaanada deegaanka ee goobihii taariikhiga ahaa baabiinaya wuxuu ka dhigan yahay nin yidhi soomaaliland ma jirto ama calankii soomaaliya ka taagay dawladda hoose adduunyada kale halgamayaashoodu waxay u bixiyaan gobolo, degmooyin, garoomo dayuuradeed,dekedo,cusbitaalo,dugsiyo waxbarasho,Jaamacaddo iyo xeryo milateri.
Qalinkii:Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Mobile:4109843 Hargeisa Somaliland Rep
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Labels:
Aragtida Bulshada
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment