Tuesday, August 5, 2014

Militeriga Yuhuudda Oo Dib uga soo Ruqaansaday Magaalada Qaza

Qaza:Aug,05,2014(Himilo)-Xamaas iyo Israa'iil ayaa ku Heshiiyey Xabad-joojin 72-saacadood ah oo aanay ku xidhnayn wax shuruud ahi, taas oo bilaabantay maanta oo salaasa ah saacaddu markii ay ahayd 8 subaxnimo.

yuhuud-740x436 Israa'iil ayaa ku dhawaaqdey subaxnimada Salaasada in ay kala soo baxdey ciidamadeeda dhulka ee weerarka ku qaadey GAZA, kadib markii ay fuliyeen hawshii loo direy sida ay hadalka u dhigeen. Ciidamada Yuhuudda ayaa difaac ka xidhey banaanka GAZA.

Labada dhinac ayaa wada hadal isugu imanaya magaalada Qaahira, wada hadalka ayaa ah mid aan toos ahayn oo loo kala dab qaadayo.

Weerarka Yuhuuddu ku qaadeen marinka GAZA ayey ku burburiyeen gebi ahaan magaalada GAZA, waxay dumiyeen goobihii shaqada ee adeega bulshada, kuwii Waxabarashada, Masaajido, cusbitaalo iyo guryo badan oo ay iska lahaayeen shacabku, waxay ku dileen dad kor u dhaafaya 1800 oo qof oo u badan dad rayid ah sida caruur, haween iyo dad waayeel ah. halka ciidamada Israa'il ay ka dhinteen 67 askeri oo keliya weerar iyo xasuuq socdey afar toddobaad.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment