Hargeysa, 21 August, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa shaaca ka qaaday Ergayga Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya ee Nicholas Kay oo maalin ka hor ay kulan la yeesheen inuu ku shaqaynayo Siyaasad ku salaysan himilada iyo Fikirka Madaxweynihii Soomaaliya Afgembiga ku qabsaday ee Maxamed Siyaad Barre oo Shirkii Garoowe laba dib loogu soo nooleeyey, isla markaana ay Danjire Kay u sheegeen UCID ahaan inaanay Somaliland iyo Soomaalida kale ee aan Daaroodka ahayni aqbali doonin hirgelinta Siyaasaddaas oo uu xaq-darro, caddaalad-darro iyo Dhul-boob ku tilmaamay.

“Siyaasadda uu maanta wato Nicholas Kay ee maanta Soomaaliya dib loogu habaynayo, waa Siyaasad lagu sameeyey Garoowe, waa waddadii nabadda (Roud Map) ee Garoowe 2 lagu sameeyey, waxaanu salka ku hayaa himilooyinkii iyo fikradihii Maxamed Siyaad Barre. Garoowe markay ku shirayeen Soomaaliya laguma heshiin `18-ka qodob, illaa kawdii habeennimo ayaa la soo jeeday way diideen inay saxeexaan 18-kaas qodob dadkii ka soo jeeday USC (Beelaha aan Daaroodka ahayn).” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi; “Shirweynihii markii dambe la yidhi; ‘Xamar baa lagu shirayaa’ ee la urursaday Odayaasha Bilaa Macnaha ah ayaa lagu saxeexay oo la marsiiyey, taasi waata keentay in maanta wax Jubbaland la yidhaahdo la sameeyo, taasi waata keentay inta dad Shisheeya ah la soo kaxaystay dhulkii la qaybiyo oo dawlad lagaga dhawaaqay Jubbaland la yidhaahdo, taasi waata socota ee la doonayo Ciddii xoog weyni ay qaadato Soomaaliya.”
Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay sida ay arrintaas ugu sheegeen Nicholas Kay, waxaanu yidhi; “Waannu u sheegnay (Nicholas Kay) inay taasi (Siyaasaddaasi) tahay tii laga dagaallamay, oo aanay yeelaynin Somaliland iyo USC dadkii taageeri jiray, wax dhacayana maaha in maanta Buuggii Siyaad Barre annagoo sidaas ah (Somaliland) oo dalkayagii haysanna, Xamar oo Dawladi ka samaysan tahay USC u badan in dusha nalaga saaro Fikradda Garoowe lagu soo abuuray ee Xaq-darrada ah, ee Caddaalad-darrada ah ee Dhul-boobka ah weligeed dhici mayso.”
Waxa kale oo uu Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe Farriini u diray Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo), waxaanu yidhi Faysal; “Dawladda waxaannu leenahay doorasho halla qabto, Baarlamaankan la leeyahay waxay leeyihiin Madaxweyne aynu wada durkisanno, waxaannu leenahay yaanay jar kaaga tallaabsannin. Baarlamaanna maaha ee nimankan meesha iska fadhiya ee fashilmay ee dhibaatada dalka aan waxba ka ogeyn, yaanay Madaxweyne Nin Odaya ayaad tahay xumaan iyo samaan dalkan Taariikhdiisu adigay ku raacaysaa intaad madaxda ka ahayd, Saddexda Xisbi ayaa leh talada, go’aanka, doorashooyinku siday u dhacayaan iyo wakhtigay dhacayaan waa innaga iyo wixii farsamo ahaan u soo baxa.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment