Thursday, August 7, 2014

Hargeysa:Aas Qaran Oo Maanta Loo Sameeyey Saxafi/qoraa/Macallin Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir

Hargeysa:Aug,0807,2014(Himil)-Waxa Maanta Xabaalaha Naasa-hablood lagu aasay Eebe ha u naxariistee Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir oo ahaa Maareeyihii Wargeyska Ogaal ee kasoo baxa Magaalada Hargeysa.

aaseMarxuum Cabdiweli oo shalay galab ku geeriyooday magaalada Hargeysa oo uu muddooyinkii u danbeeyey ku xanuusanayay, ayaa aaskiisa waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, masuuliyiin sar sare oo xukuumadda ka tirsan, suxufiyiin tiro badan, culimo aw diin, abwaanno iyo dad kale oo tiro badan.

Masuuliyiintii kala duwanayd ee ka soo qayb-gashay aaska marxuum Cabdiweli Faarax Jaanbiir, ayaa tacsi u diray guud haan ehelkii iyo bahda warbaahinta Somaliland ee uu ka baxay Cabdiweli, isla markaana waxay ay ilaahay uga baryeen inuu denbigiisa dhaafo, jannada fardawzana inuu ka waraabiyo.

Eebe Ha u naxariistee Cabdiweli wuxuu ka mid ahaa odoyaasha saxaafadda Somaliland. Waxa lagu xasuusa doonaa inuu ahaa nin furfuran, kaftanyahan ah, isla markaana dadka wax bari jiray. wuxuu ahaa dadka ilaahay hibada u siiyey tarjumaadda buugaagta iyo qoraalada afka ingiriisiga ku qoran.

Ilaahay ha u naxariistee Cabdiweli Faarax Jaanbiir muddooyinkan wuu xanuusanayay, isagoo todobaadyadii ugu danbeeyey ku jiray cusbitaalka ku yaalla Hargeysa oo uu shalay galab ku geeriyooday, ilaahay qabriga ha u nuuro, jannada fardawsana ha ka waraabiyo, ehelkii iyo guud ahaab bahda warbaahitana samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Waa saxafigii labaad ee muddada sanadkan Gudihiisa ah ka baxa Tiirarka waaweyn ee Saxaafadda Somaliland, waxana Bilo ka hor sidan oo kale u geeriyooday Rabbi  ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Maxamed Kastam.

 Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment