Gudoomiyaha kulmiye oo shirka wasiirada ka soo qayb galay ayaa sheegay in Loolankii Xisbigu dhamaaday,isla-markaana xisbiga iyo xukuumaddu isku duubni muujin doonaan.Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo ugu horayn ka hadlay Kulankaasi ayaa sheegay in isaga iyo Muuse ku heshiiyeen Qodobadii Guddida Golaha guurtidu hore uga soo saartay Khilaafka Kulmiye.
“Waxaa maanta inoo sharaf ah in Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, halkan inala joogo, waxaan jecelahay inaan idiin sheego in Aniga iyo Gudoomiyuhu aanu wada heshiinay, Sidaasi darteed waxaa loo baahan yahay in Xukumad iyo Xisbi ahaanba aynu u wada shaqayno si niyad sami ah. Waxaanu ku wada heshiinay Go’aamadii Guurtidu ka soo saartay Khilaafkii Xisbiga Kulmiye.” Ayuu Madaxweyne Siilaanyo sheegay isago hadal guubaabo ah intaasi raaciyay
“Ugu dambeyntii waxaan u baahannahay inaynu Midnimo iyo isku duubni iyo isku tiirsanaan kuwada shaqayno Xisbi ahaan iyo Xukumad ahaanba” ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isna hadal ka jeediyay kulankaasi ayaa sheegay in Loolankii xisbiga Kulmiye galay dhamaaday wakhtigana ay tahay in midnimada xisbiga laga shaqeeyo xukumad ahaan iyo Xisbi ahaanba.
Maalmihii u dambeysay ayaa la sheegayay in Muuse Biixi doonayo in xubno loogu daro Golaha fulinta Xisbiga balse laguma soo hadal qaadin kulankan wax sad bursiimo ah oo la siiyay Muuse Biixi.
Labadan masuul ma ay sheegin wax ay ku heshiisheen, balse kaliya waxa ay sheegeen in xurguftii u dhaxaysay la gebogebeeyey oo midnimadooda ay ka shaqayn doonaan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment