Haddii aad qabto dareen ah inaad khaladaad samaysay waa astaan fiican, waxaana ay markhaati ka tahay inaad diyaar u tahay sidii aad qaladkaas u sixi lahayd.
Hadaba talaabada xigtaa waa inay noqotaa inaad naftaada cafisid khaladaadkay gashay, cafiskaasina waa furaha nolasha raaxada leh. Laakiin dhibaatada jirta waxay tahay nafaheena cafis ma siino.
Badanaa maskaxdu waxay si fiican u kaydisaa xasuuso aan wanaagsanayn iyo dhacdooyin aad jeceshahay inaad iloowdid, taas oo sida filinka muddo marka laga soo wareego kolba kusoo hor marinaysa.
Xasuusahaas oo ku lamaan khaladaad aad naftaada iyo dadkale aad ka gashay ayaa si toos ah aad u dareemaysaa oo niyadaada u dhaadhacaya.
Kaliya intaas ma ahee waxaad dareemadaa ka qaadi kartaa cibaado yari dhaleeceyn lagugu dhaleeceeyo iyo xitaa fikir ah inaad qof xumaysid. Dareennadani markay niyadaada u dhaadhacaan waxay kugu keenayaan cadho, murugo, depression, isku buuq iyo awood la’aan.
Markay dareennadani kugu bataan waxaad aaminaysaa in waxyaabo badan oo wanwanaagsan aanad u qalmin.
Tusaale ahaan hadaad shaqo wanaagsan haysid aad lacag wanaagsan ku qaadatid waxaad aaminaysaa inaanad u qalmin lacagta intaa leeg. Balse waxaad bilaabaysaa inaad isku daydid inaad dhaawac gaadhsiisid nimcada aad ku jirtid sida in aad shaqada iskaga baxdid adoo raadinaya nolol ka midho dhal yar oo ku qalanta waa siday niyadaadu ku faraysee.
Hadaba si aad uga badbaadid waxyaabahan waa inaad naftaada cafis buuxa siisid. Sii akhri qodobadan hoos ku qoron sida aad naftaada u cafin lahayd:
1.Dib ugu noqo wixii dhacay: qoraal ku qor waxaad badali lahayd hadaad waxyaabihii dhacay dib wakhtiga laguugu celin lahaa. Taasi waxay ku tusaysa inaad khaladaadkaaga wax badan aad ka baratay iyo inay xirfado badan korodhsatay gafafkaa aad gashay awgeed.
2. Xusuuso wixii dhacay waa la soo dhaafay: wixii hore u dhacay qadar Alle ayey ku dhaceen waxbana kama badli kartid. Inkastoo ay tahay weedh iska cad laakiin markaad intaas si dhab ah u aamintid waxaad niyadaada u ogolaanaysa inay aqbasho wixii dhacay.
3.Dadka intii aad khaladka ka gashay raali galin weydii: dadkii aad khalad ka gashay intaad karaysid raali galin dhab ah weydiiso intaanu Ilaahay kugu xisaabin. Markaad raali galin aad ka bixisid uunbad naftaada raali ka ahaan doontaa.
4. Mabaadii’daada iyo caqiidadaadu ha kuu cadaadaan: sababta ay dad badani dareemadan u dareemaan waa markay ku xad gudbaan mabaadii’dooda iyo caqiidadooda. Tusaale ahaan hadaad aaminsantahay inay tuugnimadu tahay wax aad u fool xun hadana aad maalin maalmaha ka mid ah wax xadid ogow inay kugu keenayso murugo badan, markaa marna ha ka talaabsan waxaad aaminsantahay.
5. Xaashi cad soo rog: khibrada iyo waayo-aragnimada aad ka korodhsatay dhacdooyinkan u adeegso mustaqbalkaaga si aanad dib ugu dhicin.
6. Bani aadan baad tahay: khalad inuu kaa dhacaa waa shay noolasha ka mid ah bani’aadan kastaana mari doono.
7. Ilaahay ku xidhnow naftaada cafi: markaad naftaada cafis siisid waxaad dareemaysaa inuu culays fara badan kaa dhacay. Iscafi oo is xoree khaladku wax jira weeyaane.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment