Noloshu kama dhammaato Mashquul, mana jirto dunida qof kastaaba inuu iska haysto Firaaqo ama fursad uu Hawlihiisa ku wada Fushado.
Xataa carruurta Yaryar ayaa la ogaaday inaanay haysanin furaaqo ay ku qabsadaan Hawlo badan oo qabyo ka ah nolol maalmeedkooda, waxaana la raadiyaa xalkii arrimahaas lagaga bixi lahaa.
Haddaba haddii aad ka mid tahay dadka ka cabanaya cidhiidhiga dhinaca firaaqada ah, waxa laguu hayaa qaab lagu maarayn karo dhibaatooyinka ku haysta.
Aqoonyahankii caanka ahaa ee Reer Talyaani Pareto ayaa isagu halbeeg ama qaaciido la raaci karo u dhigay maaraynta wakhtiga dadku haystaan.
Qaaciidadan waxay ku leeedahay, ‘boqolkii 80 macaashkaagu waxa uu ka yimaadaa macaamiishaada kuu daacada ah, baaqiga kalena waxa uu ka yimaadaa dadka aan kuu macaamiisha ahayn ee mar uun kusoo booqda kadibna laga yaabo inaanay soo noqon, sidaa awgeed haddii aad awoodda saartid 20% kaas hadhay waxa kor u kacaya macaashkaaga.’
Dhacdooyin run ah: Badiyaa buugaagta la akhristo macluumaadka muhiimka ah ee ku jiraa waxay noqdaan 20% halka 80% ay iska yihiin sheekooyin iyo madadaalo, sidaa awgeeed markasta waxaad raadisaa 20% kaas lagama maarmaanka ah waxaanay kuu kaydinaysaa waqtiga aad ku akhriyi lahayd sheekooyinka iyo waxyaabaha kale, waxaanad ka faa’iidi doontaa waqti badan iyo midho badan, taasi ayaa waxa loo yaqaan dedaal maskax ku salaysan, maaha dadaal shaqo ku salaysan.
Cilmi-baadhis kale: Haddii aad leedahay baadhid ama u baahan tahay inaad samaysid cilmi baadhis isla markaana aad haysatid 10 Buug oo muhiim ah, oo aad rabtid inaad ka dhex dooratid laba ama saddex buug, isla markaana aad sii wadid oo laba ama saddex mawduuc oo baadhistaadu ku salaysnayd ka sii dooratid, waxa aad halkaasi ku faa’iidday waqti badan iyo macluumaad saafi ah, sababta oo ah akhriska dhammaan 10-ka buug waxa aad ka dhaxli lahayd tashuush iyo madmadaw kaa gala raadintaada.
Haddaba waxa lagama maarmaan ah inaad qorshe fiican samaysato markasta oo aad doonayso inaaad wakhti kooban kaga faa’iidaysato shaqo badan oo aad wakhti badan ku qaban lahayd.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment