
Mr Obama ayaa xaqiijiyay inuu doonayay inuu tirtiro dhibaatooyiinka ka dhexeeya Afrika iyo Mareykanka si loo ogolaado in xidhiidh badan uu labada dhinac dhexmara, ayna wada yeeshaan isu soo dhawaansho ganacsi oo kala iibsi badan ku saabsan .
Shirka ka socdo dalka Mareykanka ee ay ka qeybgalayaan madaxda Afrika ayaa diiradda lagu saarayaa, ganacsiga, maalgashiga iyo amniga iyo sidoo kale ururada Islaamiga ah ee madaxa la soo kacaya ee Qaarada ka jira oo ay ka mid yihiin Ururka Boko haraam ee Nigeria ka dagaalama iyo Xarakada Shabaab ee dagaalka kula jira dowlada taagta daran ee Reer galbeedku ay tageeraan.
Dadka darsa arimaha Siyaasada ayaa ku micneeyay shirka Maraykanka uu marti qaaaday ee ay ka qayb galayaan in ka badan 50 Hogaamiye oo qaarada ka socda in loo fasirankaro in uu bilaabmay loolan dhanka maalgashiga iyo ganacsiga oo dhex maraya dowladaha Shiinaha iyo Maraykanka.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment