Washington:Aug,08,2014(Himilo)-Shahid Kapur oo ka mid ah Jilaayada ugu Caansan Bollywood, isla-markaana ugu quruxda Badan dhallinta aflaanta jisha, ayaa la sheegayaa inuu Wali La’yahay Gabadh naftiisa qancisa ama uu jacayl la wadaago.
Shahid oo jaceylkiisi ugu horeeyay la sameeyay Kareena Kapoor,ayaa waayadan lala xidhiidhinayay xiddigo caan ka ah Bollywoodka laakiin ilaa hada wax cad kama soo bixin xidhiidhkiisa, waxana ka muuqda inaanu wali helin cid uu ku qanco.Wararka laga helayo jilaagan caalamig ah ayaa sheegaya in Shahid yahay guur doon, lagana yaabo in si lama filaana uu u guursado bilaha soo socda.
Daawooyin Dabiici ah Oo Loo Hayo Dadka Findoobka Ka Cabanaya
London(Himilo)- findoobka ama finanka wajiga ka soo baxaa dhilinyaro badan ayey dhibaato ku hayaan, wiil iyo gabadho ah, waxana si weyn loo raadiyaa in la helo wax daawo ah oo lagula tacaalo muddo badan.Maanta waxanu halkan idiinku Haynaa Tallaabooyin muhiim ah oo lagaga daawoobi karo dhibaatada ka dhalata finankan, iyadoo aan waliba la isticmaalaynin wax kiimiko ah, beddelkeeda daawooyin dabiici ah oo aad gacantaada ku samayn kartid la isticmaalayo.
Hoormoonadooda jidhku waxay bixiyaan wax sababaya inay finan kasoo baxaan meelo jidhka ka mid ah gaar ahaan wajiga. Wuxuuna ku dhacaa kuwa qaan gaadhaya kaliya.
Dadka waawayn waxaa u sababa dhaxal ay ka dhaxleen waalidkood. Dumarka waxaa u sababa, hormoonaadkooda isbadalka ku dhacaya markasta.
Tallaabooyinka raac si aad iskaga daaweyso dhibaatada Fin-doobka:
1.isku mil saddex malqacadood ama qaado oo sokorta madow ama sugar buni iyo qaado malab mari guud ahaan wajiga mudo 15 daqiiqo ah markii uu qalalo wajiga kaga maydh biyo qabow
2. caleenta geedka Gobka
calinta cagaaran ee Gobka oo ah mid si aad ah ugu wanaagsan ka hor taga finanka iyo daweyntooda, sidoo kale waxay aad ugu wanaagsan tahay haaraha, waxaana ka buuxa maadooyin ka hortaga caabuqa ay sababaan bakteeriyada, waxeyna ka dhigtaa haraga qofka mid jilicsan oo qabow.
waxaa tuntaa ama aad shiidaa caleenta geed Gobka adigoo isticmaali kara mid qoyan iyo tan qalalan.
isticmaal 1 qaaddo muggeed oo caleenta cagaaran ee Gobka ah ku dar ¼ qaaddo oo huruud ah iyo caano caydhrin ama budada caanaha boodhaha ah, si fiican isugu qas isku darka, huruuddu waxey ka mid tahay waxyabaha dabiiciga ah ee ka hortaga finanka yar yar ee wajiga kasoo yaaca.
mari wajiga oo dhan mudo 20 daqiiqo ah kadibna kaga meydh biyo diiran..
3 baradhada
Baradhadu waxa ay aad ugu wanaagsan tahay nuugista saliida badan mar hadii uu yahay haragaagu mid saliid badana waxa uu u nugul yahay in ay kasoo baxaan finan ama nabarro badan oo uu sababay bakteeriya ka dhalata qoyaankaas, sidoo kale baradhada waxa ay la dagalantaa haaraha iyo mad madoobaadka indhaha hoostooda joogteynteedana waxaad ka heli doontaa natiijo wax ku ool ah.
waxaad aad jar jartaa baradhada adigoo shiidi kara kadibna biyaheeda aad mari dhamaan wajiga, sidoo kale Qurubyo baradho ah ayaad ku dul nabi kartaa ama saari kartaa meelaha mad madowgu uu ku jiro wuuna kaa baabi’in doonaa insha’alah.
Qarafal
Qarfalka waxa uu ka hortagaa finanka isagoo la dagaalama bakyeeriyada sababta nabarradaasi wuxuuna wajiga ka dhigaa mid caafimaad iyo dhalaal badan leh.
shiid Waxogaa qoraral ah adigoo ka dhigaaya budo. ku dar qaaddo ama malqacad malab ah iyo waxogaa Daqiiq ah.
mari isku darka wajigaaga mudo 15 daqiiqo ah kadibna ka meydho.
Chine Oo Magaalo Dalkiisa Ku Taalla Ka Mamnuucay Ragga Gadhka Leh iyo Dumarka Xijaabani inay Basaska Raacaan
Xinjiang(Himilo)Dawladda Chine ayaa Magaalo ku taalla Gobolka Xiang ka mamnuucday in ragga Gadhka la baxa iyo dumarka Xijaabka xidhani ay raacaan Basaska Dadweynaha.Gobolka Xinjiang oo hoy u ah dadka Muslimiinta ah ee loo yaqaan nUighur oo ku hadla luuqada Turkic, ayaa sannado badan la taag darnaa cadaadis dawladdu ku hayso, kuwaasoo lagula kaco xad-gudub lagu takooraayo diinta Islamka.
Maamulka magaaladaas ayaa mamnuucay shan qof in ay basaska racaan, kuwaasoo kala ah dadka xidhan xijaab, masar amma cumaadad iyo Ragga gadhka dheer leh, kuwaasoo ka mabnuuc ah in ay basaska ka racaan amma u racaan magaalada Karamay sida warbaahinta degaankaas tebisay.
Waxa kale oo mabnuuca ah in qofku sito calaamada bisha iyo xidigta ah oo inta badan waddamada islaamka calamadooda ku taal, sababta loo mabnuucayna waxay tahay caalamadan oo ay isticmalaan koox doonaysa in ay ka madaxbannanaad China oo la yidhaa East Turkestan.
Sharcigan ayaa maamulka degaankaas ku doodaya in uu ku adkaynaayo ammaanka, lagagana hortagaayo falal argagixiso oo dhaca.
Muslimiinta dalkaas ayaan haba yaraatee wax cod ah lahayn, waxana dhacday in ramadaantii haatan ina dhaaftay qaarkood laga mamnuucay inay soomaan, isla-markaana lagu khasbay inay cunto cunaan.
No comments:
Post a Comment