Friday, August 8, 2014

Somalia Oo Loo Ogalaaday in Loo Gacan Geliyo Xasan Xanafi Oo Muqdisho Middiyo Looga lisanayo

Nairobi:Aug,08,2014(Himilo)-Xukuumadda Kenya ayaa aqbashay codsi Somalia uga yimi oo la xidhiidha in lagu wareejiyo maxbuus  loo malaynayo inuu xasan xanafi yahay oo Kenya gacanta ku qabatay.

xanafiSida ay qortay warbaahintu Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Nuur ayaa sheegay in tuhmanaha lagu qabtay 3-dii August xaafadda Eastleigh ee Nairobi iyada oo loo qabtay tuhunka ku saabsan kaalintii uu ku lahaa dilkii saxafiyiin Soomaali ah.

“Aad baa loogu badaniyaa in uu yahay Xasan Xaaji Xanafi inkasta oo uu isagu diiday in uu yahay ninkaas,” ayuu yidhi Nuur, oo intaa ku daray in ninka la rumaysan yahay in uu yahay Xanafi Kenya loo keenay in laga daweeyo dhaawac ka soo gaadhay “wax u eg dagaal”.

 

“Bacdamaa jariimada loo qabtay ay ka dhacday Soomaaliya waxan ka codsannay dawladda Kenya in ay ku wareejiso Soomaaliya si loogu sameeyo baadhitaan dheeri ah si [loo aqoonsado],” ayuu yidhi. “Waxan ku faraxsannahay in Kenya ay oggolaatay codsigeennii sababta oo ah waa isla annaga kuwii markii horeba codsaday qabashadiisa.”

Safiirku waxa uu sheegay in Xasan Xaaji Xanafi loo gacan-galin doono Soomaaliya marka ay masuuliyiina amniga Kenya ay ka dhamaystaan baadhitaankooda u gaarka ah.

 

Ciidamada Amaanka ee Dowladda Kenya, ayaa Axadii lasoo dhaafay gacanta ku dhigay Agaasiimaha Radio Andulus oo ku hadasha Afka Kooxda Al shabaab, xilli uu ku dhex dhuumaalaysanayay Magaalada Nairobi.

 

Horjoogahan ayaa la sheegay in uu u galay dalka Kenya si qarsoodi ah, isagoo Daawo uga raadinaya Isbitaalada ku yaalla dalkaasi dhaawac Culus oo dhanka madaxa ah kasoo gaaray Weerar ay Ciidamada DFS & AMISOM Sanad kahor ku qaadeen Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

 

Hay'adaha Amaanka dalka Kenya, gaar ahaan kuwa la dagaalanka Argagaxisada ayaa Su'aalo ka weydiinaysa Xasan Xanafi qaabkii uu ula soo xidhiidhay Dhakhaatiirta dalkaasi & sida uu kusoo galay dalka & waxyaabaha uu damacsan yahay, iyadoo sidoo kale ay Ciidamada ku raadjoogaan Rag kale oo isaga la socday.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment