Tuesday, August 5, 2014

Muuse Biixi Oo Markale Iclaamiyey Dib-u-dhac Ku Yimi Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbigiisa Oo Maanta Loo Ballansanaa

Hargeysa:Aug,05,2014(Himilo)-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa  sheegay  in Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye  Qabashadiisu ku beegnayd Maanta Dib loo dhigay.

MuuseGuddoomiyaha oo soo saaray War-saxaafadeed aad u kooban ayaa sheegay in shirkaas qabashadiisa dib loo dhigay, isla-markaana xilliga la qaban doono iyo Meesha lagu qaban doonaba dib laga soo sheegi doono.

Muuse Biixi ayaa war-saxaafadeedkiisa ku sheegay inuu xubnaha  xisbiga ku wargelinayo kaliya in qabsoomiddii shirka dib loo dhigay, waxaana uu war-saxaafadeedkaasi u dhignaa sidatan:

 

 

REF: XK/XGX/0042023/2014Date: 27/07/2014

 

Ku: Xubnaha Golaha Dhexe

 

Ujeeddo; wargalin

 

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mud, Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku wargalinayaa dhamaan xubnaha golaha dhexe ee xisbiga kulmiye in dib loo dhigay shirkii golaha dhexe, xilliga la qabanayo iyo goobta lagu qabanayana gadaal laga soo sheegi doono.

 

ALLAH MAHAD LEH

 

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye

 

Md. Muuse Biixi Cabdi

 

 

Himilo Media

 

 

 

No comments:

Post a Comment