
Markii Kulankaasi soo dhamaaday ayey Saddexda Xisbi-qaran ka warbixiyeen Wixii ay Komishanka kala kulmeen, iyagoo sheegay inay ku qanceen Nidaamka ay Komishanku u wadaan Hawsha Diiwaangelinta la filayo inay Dalka dhawaan ka Qabsoonto.
Ugu horrayn waxa Warbixinta bixiyey Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, kaasoo tilmaamay in komishanka ay kala kulmeen Warbixin sheegaysa in lagu guulaystay Diiwaangelintii Tijaabada ahayd ee Dhawaan dalka laga sameeyey.
“Axsaabta qaranka komishanka ayaa maanta u yeedhay si warbixin uga siiyo arrimaha Diiwaangelintu halkii ay marayeen, Waxaana aad la socoteen in tijaabo la qaaday bishii lixaad, Tijaabadaasna waa lagu Guulaystay Boqolkiiba Boqol oo hawsha intii ka hadhsanayd ayuun baa si diwaangelintii loo bilaabo la gudo geli doonaa oo ay ka mid tahay qabyo-tirka wixii xeerka ka qabyo ah, Wixii kale ee Farsamo ahaana guddi ka socota Axsaabta qaranka ayaa berri isla eegi doona, waxaana aanu kalsooni buuxda ku qabnaa oo uu na siiyey Komishanku in diiwaangelintu wakhtigeedi bilaabmi doonto marka ay arrimahaas Farsamo dhamaadaan.” Ayuu yidhi Mudane Cirro.
Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe oo isaguna Halkaas ka Hadlay ayaa bogaadiyey Hawlo fiican oo uu sheegay inay Komishanka doorashooyinku qabteen, waxaana uu tilmaamay in kaliya waxa hadhsan haatan ay tahay Hawlo dhinaca Fulinta la xidhiidha oo ku saabsan Dhaqaalaha oo intooda badan xukuumadda laga sugayo.
Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay natiijada ka soo baxday Tijaabadaasi noqotay mid lagu dhiirran karo oo lagu kalsoonaan karo.
Dhinaca Kale Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye oo isagana Saraakiil ka tirsani goobta joogtay ayaa Faahfaahiyey kulankaas, isagoo tilmaamay in hawsha Komishanku rajo fiican dhalisay, isaagoo farriin gaar ah u diray Saxaafadda oo uu sheegay inay baahiyeen warar docwareemaya Wanaagga Dalka.
Jaamaca Shabeel, ayaa sheegay inuu Kalsooni buuxda ku qabo Hannaanka ay u socoto Hawshsha tijaabada ah ee ay samanayeen.
Si kastaba ha ahaatee Kulankan maanta ay Saddexda Xisbi qaran la yeesheen Komishanka qaranka ayey natiijadiisa ka midaysnaayeen Xisbiyadii ka qaybgalay, waxase aan saxaafada u suurtogelin inay dhinaca komishanka wax war ah oo toos ah ka helaan.
Somaliland waxa ku soo fool leh doorashooyin isa saaran oo Madaxtooyada iyo Wakiillada ah, waxaana taas horteed lagu wadaa in dalka ay ka hirgasho diiwaangelinta codbixiyayaasha oo aan la’aanteed doorasho dhici doonin. Balse wali lama sheegin wakhti cayiman oo diiwaangelintaas la qaban doono.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment