Friday, August 15, 2014

Muuse Biixi Oo Quudhsaday Doorashada Cali Khaliif Axsaabta Mucaaridka ahna Farriin u Diray

Hargeysa:Aug,15,2014(Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye  Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay Doorashada Cali Khaliif ee Kooxda Khaatumo dhawaan ku dhawaaqday.

bibeMuuse Biixi oo ka Hadlay munaasibad xalay lagu soo dhaweynayey Qurbejoog tiro badan oo dibadda ka yimi, ayaa sheegay inaanay doorashada cali Khaliif minco badan ku fadhiyin.

Muuse Biixi waxa uu tilmaamay inaan doorashadaasi ahayn mid wax cabsi ah abuuraysa, isagoo xusay in Somaliland oo isku dhami axdi u wada saxeexday, isla-markaana ciddii axdigaas jabisaa ay debiile tahay, “Waxay ila tahay arrintaasi mid cabsi gelinaysa  ama qaranimada Somaliland inay dhantaasho ma ah. Waa marka koowaad  Somaliland oo sool kaw ka tahay 1991-kii shirkii Burco oo aan siyaasi iyo garaad reer Sool ahi ka maqnayn waxay wada Saxeexdeen inay Somaliland wada Dhistaan, Ballanta ninnkii ka baxaana waa nin shirk a didow siiga yare, sida wararka xaqiiqda ahi sheegayaana reer Sool uma dhamma.” Ayuu yidhi Muuuse Biixi.

Guddoomiye Muuse waxa uu sheegay inaanay Somaliland meel ay joogtaba ahayn dad kala maarmaya oo isku ul iyo diirkeed yihiin, isagoo xusay loo baahan yahay inn qaranimda Guud loo wada Guntado, waxana uu yidhi,“Somaliland waxay ku iimaan qabtaa oo ay aaminsan tahay inay reer sool axdigii lagu qabtay somalilannd ka mid yihiin dad dhal iyo dhasheedna aynu nahay oo aynaan ku kala tegayn shir iyo urur kooxi samaysatay. Somaliland qarankeeda oo ka kooban xisbiyada iyo dawladda waxaynu u baahanahay inaynu qaranimada xoojino, xukumadda iyo kulmiye waxa ku waajib ah inay mucaarid iyo muxaafidba soo dhaweeyaan.”

Waxa uu sheegay Muuse Biixi iyo Xisbigiisa Kulmiye iyo Xukuumaddda Talada Haysaba ay ka wada Go’an tahay in dadka lala tashado mucaarid iyo Mucaafidba, isla-markaana cidkasta oo caqli iyo garasho la Bidayo diyaar loo yahay in talada laga qaato, waxana uu yidhi,

“waxan caawa Somaliland  sheegayaa in kulmiye iyo xukuumadiisu ay diyaar u yihiin gacan walaaltinimo iyo in danta qaranka laga wada Hadlo oo Guddoomiye xisbi iyo nin kasta oo mudan oo siyaasi ah wixii uu talo hayo laga wada Hadlo isagoo dantiisa wata, waana farriin aan mucaaridka u dirayo.”

Hadalkan muuse Biixi ayaa imanaya xilli dhawaan Axsaabta mucaaridku soo jeediyeen inaanay xukuumaddu siyaar u ahayn in doorashada madaxtinimada dalka ka Hirgeliso, isagoo hore hadalkan jawaab liddi ku ah uga Bixiyey.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment