Saturday, August 9, 2014

Ucid Oo Xilal Cusub Magacowday

Hargeysa:Aug,09,2014(Himilo)-Xisbiga Ucid masuuliyiin xisiga ka tirsan u magacaabay Xilal cusub ooh ore u bannaanaa.War-saxaafadeed uu xisbigu soo saaray  oo lagu shaaciyey xilalka cusub ayaa u dhignaa sidatan:

ucfXisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID markuu arkay baahida wayn ee loo qabo in la Magacaabo Xilalka Banaan ee Xisbiga.

Ka dib markii aanu aragnay kartidii iyo firfircoonidii ay muujiyeen muddadii ay Xisbiga ku soo jireen waxaanu u magacawnay Xilalakan soo socda:-

 

1.      Xoghayaha Arimaha Dibada ee Xisbiga UCID – DR. Mohamed Abdillahi Mohamed (AAR)

2.      Xoghayaha Duulista iyo Hawada ee Xisbiga UCID – Cabdiqani Ismaaciil Maxamed

3.      Gudoomiye Ku Xigeenka Dalka Findland – Cabdi Yuusuf Sujuu

4.      Xoghayaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Qaaradda Yurub- Md. Farxaan X. Ismaaciil Muuse.

Isla markaana waxa la farayaa Masuuliyiintaa kor ku xusan in ay hawshooda si dhakhso ah u bilaabaan kana soo baxaan waajibaadka loo igmaday.

Waxaanu Illaahay uga baryaynaa in uu u fuduudeeyo hawsha loo magacaabay.

ALLA                         MAHAD                       LEH

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment