Saturday, August 9, 2014

Wasiir Waran-cadde Oo Macneeyey Shaqada Ciidanka Ilaalinta Shidaal-baadhista(OPU), Warar Laga Faafiyeyna Beeniyey

Hargaysa:Aug,09,2014(Himilo)-Wasiirka Arrimaha Gudaha somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa faahfaahin ka Bixiyey Shaqada ay qaban doonaan Ciidanka OPU-da oo loogu talo galay inay ilaaliyaan Hawlaha shidaal-baadhista ee Somaliland laga Wadaa.

cadWasiir Warancadde oo la Hadlayey Warbaahinta Maanta, ayaa tilmaamay in ciidankaasi yihiin unug ka mid ah Ciidamada dalka, isla-markaana hawshoodu noqon doonto ilaalinta Nabadgelyada Arrimahha Shidaal-baadhista,

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran

“Ciidanka OPU Ee Hay’addaha caalamka iyo ku gudahuba qaylo dhaanta ka bixiyeen,waxaan odhan lahaa waa aqoon la’aan ka haysata ciidankaas Sababaha loo abuuray,Hadaan faah-faahin ka bixiyo ciidanka iyo ujeeda laga leeyahay oon wali la abuurin waxa weeyaan in ay ka mid noqon doonaan ciidanka booliska iyo ciidanka qaranka.” Ayuu yidhi Cali Waran-cadde.

Dhinaca kale waxa uu sheegay wasiirka wasaarada arrimaha gudaha somaliland Cali Maxamed Waran Cade in ciidankaas OPU ay gaar u noqon doonaan ilaalinta baadhista hawlaha shidaalka somaliland waxaana uu yidhi,

“Ciidankaas OPU waxa ay gaar u noqon doonaan Hay’addaha baadhaya Shidaalka iyo shaqaalahooda ka hawl galaya soo saarista shidaalka,waxa ay ciidankaasi noqon doonaan ciidan si gaar ah u tababaran oo hanan kara hawlaha ay qarankan u qaban doonaan,mana aha ciidan kani mid loogu talo galay inuu amaan daro ka abuuro Hawlaha loogu talo galay,Sida ay ku andacoonayaan hay’adduhu iyo shaqsiyaadka ka falooda arrimaha geeska Africa,waxaanan arinkaas ay sheegayaan u arkaa xog la’aan ka haysata arrimahaas ay ka faloodeen.”

Hadalkan wasiirka ayaa Daba socday hadallo warbaahinta Caalamku baahisay oo la xidhiidhay shaki laga qabo ciidankan cusub ee loo abuurayo Hawlaha Shidaal-baadhista oo dhawaan dalka ka Bilaabmi doona, waxana uu warbixinnada qaarkood hore u sheegeen in ciidankaasi yihiin qaar Hub cusub dibadda looga Keenaayo. Warkaas oo ah mid aan sal lahayn oo dhinac u xaglinayey.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment