
Madaxweynaha cusub ee dalka Nigeria ayaa hadal uu shalay subaxnimadii jeediyay kaddib guusha uu gaadhay, waxa uu inuu doonayo in dib u heshiisiin laga dhex-dhaliyo guud ahaan shacabka Nigeria oo, wuxuuna ballan-qaaday inuu fulin doono isbedel uu horay u ballanqaaday.
Mr Buhari oo kasoo jeeda Gobollada Waqooyiga ee Muslimiinta Nigeria ku badan yihiin, ayaa ololihiisa ku galay inuu wax ka qaban doono ammaanka gaar ahaan la dagaalanka Kooxda Boko Haram iyo musuq-maasuqa iyo weliba kobcinta dhaqaalaha dalkiisa oo ah ka ugu badan qaaradda Afrika, balse aanay shacabkiisu si siman u helin kheyraadka iyo korodhka dhaqaalaha oo sannadkii u dambeeyey kor u kacay.
Buhari ayaa saddex jeer oo hore u tartamay xilka madaxnimo ee Nigeria, kaddib markii af-gembi lagaga tuurada talada dalkaas 1985-kii oo isaga laftigiisu Afgembi Milatari ku qabsaday sannadkii 1983-kii.
Jeneraalkan 72-jirka ah ayaa lagu xasuustaa xiligii uu inqilaabka ku haystay dalkaas inuu si adag ula dagaallamay musuq-maasuqa, isagoo ku can-baxay ciqaabta shaqaalaha dowlada ee shaqooyinka ka habsaama.
Muhammadu Buhari ayaa bishii July ee sannadkii hore ka badbaaday weerar ay doonaysay kooxda Boko Haram inay ku khaarajiso xili uu safar ku marayay Waqooyiga Nigeria, taas oo meesha ka saartay isla markaana uu kalsooni kaga kasbaday shacabka dalkaas gaar ahaan kuwa aan Muslimka ahayn oo ku shaambadeeyey inuu aaminsan yahay Fekerka Kooxda Boko Haram.
Doorashada Nigeria ayaa ahmiyad u leh Qaaradda Afrika maadaama dalkaas uu yahay kan ugu dadka badan Afrika, waana markii ugu horreysay oo mucaaradka dalkaasi guul ay ka soo hooyeen doorasho ay xilka kula wareegaan.
Shacabka dalka Nigeria, ayaa lagu qiyaasaa inay boqolkiiba 50 Muslimiin yihiin ku kala nool gobollada Woqooyiga, Woqooyi-Bari, Koonfur-Galbeed oo ay ku badan yihiin, boqolkiiba 45 ay haystaan Diinta Kiristaan-ka, halka inta soo hadhay lagu sheegay inay aaminsan yihiin caadooyin iyo dhaqamo u gaar ah.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment