Thursday, April 2, 2015

Somaliland oo shaacisay inay Diyaar u tahay Ka-qayb-qaadashada Hawl-gallada Milatari ee Is-bahaysiga Sucuudigu ka wado Dalka Yemen

Sideebay Somaliland ugu diyaar-garowday Qaabilaadda Qaxoontiga Yemen?

“Somaliland waxay ka tirsan tahay Jaamacadda Carabta oo aynu ka mid nahay, markaa wixii Carabi isku raacdo, innaguna qaybteenna ayaynu ka mid nahay”

Hargeysa, 02 April, 2015 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadatay inay soo-dhawaynayso isla markaana ay diyaar u tahay inay qaybtooda ka qaataan wixii looga baahdo hawl-gallada Milatari ee Isbahaysiga Sucuudigu hoggaaminayaa ka wadaan gudaha dalka Yemen iyo goobaha ay gacanta ku hayaan dagaal-yahannada Xuutiyiinta oo gacanta ku haya inta badan Woqooyiga dalkaas.
Diyaaradaha Isbahaysiga Sucuudigu hoggaaminayo, ayaa muddo todobaad ku siman duqeymo ku haya goobaha ay ka taliyaan iyo saldhigyada Dagaalyahannada Xuutiyiinta oo ka xoog-roogaaday Xukuumadda iyo Madaxweynihii dalka, kaddib markii ay af-gembi hubaysan kula wareegeen talada dalka.
Xukuumadda Somaliland waxa ay sheegtay inay sidoo kale soo dhawaynayso Shacabka Qaxoontiga ah ee ka soo cararaya dagaallada ka socda Yemen, isla markaana ay u diyaarisay goobo lagu qaabilo oo ku kala yaala magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera. Waxa hore dalka u soo gaadhay qaxoonti tiradooda lagu sheegay 32 qof oo u dhashay dalka Yemen, kuwaas oo horaantii todobaadkan ka soo degay dekedda Berbera.
warancadeWasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Wara-cadde, ayaa sheegay in siyaasadda Somaliland eek u wejahan xaaladda dalka Yemen ay ka shidaal-qaadayso mowqifka ay ka qaataan waddamada Jaamacadda Carabta oo wasiirku uu sheegay inay Somaliland xubin ka tahay, in kasta oo Ururka Jaamacadda Carabtu aanu aqoonsanayn Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, taas beddelkeeda ay aaminsan yihiin isla markaana looga ololeeyo midnimada Soomaaliya.
Wasiirka Cali Maxamed Waran-cadde oo ka hadlayey mowqifka xukuumadda uu ka tirsan yahay iyo sida ay ugu diyaar-garowday dadka qaxoontiga ah ee laga yaabo inay u soo qaxaan dhinaca Somaliland, waxa uu yidhi, “Siyaasadda Dowladda Somaliland waxa weeyi in la taageero dowladda Sharciga ah ee Yemen, isla markaana waanu garan karaa dhibaatada nagaga iman kara xagga dhaqaalaha iyo xagga Qaxoontiga intaba.”
“Laakiin waxaanu ku tashannay inaanu qabanno howshaa wixii nagaga aaddan. Dadkaas reer Yemeneed ee laga yaabo waxna inay soo galeen, waxna inay iman karaan in loo diyaar-garoobo, waxaananu u astaynay meelo lagu soo dhaweeyo. Berbera meelbaanu ka wadnaa immika, Hargeysa sidoo kale, iyadoo dadka wixii yimaadda Berbera lagu kala saari doono laakiin loo soo gudbin doono Hargeysa,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka oo u warramayey teleishanka madaxa-bannaan ee HCTV.
Md Cali Waran-cadde oo la wedyiiyey mowqifka ay xukuuumad ahaa ka qaadan karaan haddii isbahaysiga Sucuudigu hoggaaminayo ee hawl-galka Milatari ka wada gudaha Yemen ay weydiistaan isticmaalka Madaarrada dalka, waxa uu ku dooday inay Somaliland ka tirsan tahay Ururka Jaamacadda Carabta sidaas awgeedna ay xukuumad ahaan ka qayb-qaadan doonaan wixii looga baahdo, waxaanu yidhi, “Somaliland waxay ka tirsan tahay Jaamacadda Carabta oo aynu ka mid nahay, markaa wixii Carabi isku raacdo, innaguna qaybteenna ayaynu ka mid nahay.”
Dhinaca kale, waxa heegan culus la galiyey hawl-wadeennada Wasaaradda Caafimaadka ee ka hawl-gala xuduudaha Badda iyoi Marinnada ay ka soo gudbi karaan Dadka ka soo barakacay qalalaasaha ka taagan waddanka Yemen oo ay Somaliland dhinaca Badda xuduudka ka leeyihiin, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Yuusuf Axmed Cali.
“Wasaaradda Caafimaadku waxay qaadatay dareen ku saabsan dagaalkaas iyo raasda uu ku yeelan karo Somaliland maadama ay tahay meel aad innoogu dhow, isla markiiba waxaanu la hadalnay oo aanu la tashannay hay’adaha Caafimaadka naga caawiya. Waxa jirta inay qaxoontiyo bilowgoodii ay qaarkood durba ina soo gaadheen,” Sidaas ayuu yidh Dr Yuusuf Axmed Cali, isaga oo intaas ku daray inay dhakhaatiir hor leh u direen magaalooyinka Saylac iyo Berbera oo ay heegan geliyeen hawl-galkooda caafimaad.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment