“Kooxahan waxa ay si gaar u dhaceen macluumaad muhiim oo ku keydsanaa ciwaanno ay leeyihiin dowlado iyo waliba shakhsiyaad caan ah”ayaa lagu yidhi warkan ka soo baxay Hold Security oo si faah-faahsan uga hadlayay dhibaatooyinka ka dhashay arintan.Warbixintan, ayaa ka Hadashay tirada dadkan dhibaatada sameeyey iyo dalalka ay kasoo kala jeedaan, waxana ay tidhi,
“Tiro ahaan waxa ay dhan-yihiin ilaa 20-ruux oo ku sugan koonfurta iyo badhtamaha Ruushka ,si gaar ah waxa ay u beegsadeen ilaa kumanaan websaydyo oo adduunka daafihiisa laga leeyahay "ayuu isna yidhi Alex
Waxaa kaloo uu masuulkani sheegay in kooxdan ay bilaabeen habab casri ah oo ay ku jabsadaan kombuyuutarada oo u sahlaya in markiiba ay la wareegaan kombuyuutarka iyo waliba macluumaadkiisa ,isaga oo ka digay khatarta kooxahan.
Ilaa iyo hadda waxaa khasaare ay arintan ka soo gaadhay ilaa 420,000 oo websayd ,kuwaasi oo dhibane u noqday in lala baxo xogta ku jirta sida lagu cadeeyay warbixintan ,iyada oo muddo todobo bilood ah daba-gal lagu hayay kooxahan iyo sidii loo ogaan lahaa aaladaha ay isticmaalaan.
Ugu danbayntii kooxdan oo la magac baxday tuugada Rusia (dubbed "CyberVor") ayaa looga cabsi qabaa in ay gacanta ku dhigaan kombuyutarada laga isticmaalo aqalka cad ee Maraykanka ,waxaana mar horeba sii bilowday qorshayaal looga gaashaamanayo sida uu ku soo waramay New York Times.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment