
Dagaalka ayaa yimid markii wasiir ka tirasan maamulka Puntland uu isku dayey inuu Booqdo Deegaanka Dhahar oo kamid ah Somaliland, waxaana la sheegay in wasiirka iyo ciidamada la socday ay la kulmeen iska hor imaad xooggan.
Xog badan lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka Dhahar, balse sarkaal u hadlay maamulka Somaliland oo lagu magacaabo Maxamed Cali Saleebaan ayaa sheegay in kooxdii magaalada soo weerartay in ay dib u celiyeen.
Xaaladda deeganka lagu dagaallamay ayaa saaka oo Jimco deggan, balse labada ciidan ayaa ku sugan meelo isku muuqda waxaana xilli kasta la filayaa in dagaal uu dib uga qarxo deeganka sida ay lee yihiin goobjoogayaashu.
Dadka deeganka ayaa sheegay in ay weli ka cabsanayaan dagaal hor leh oo ka dhacay deeganka Dhahar ee gobalka Sanaag.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment