
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadaasi ku Hubaysnaayeen Hubka noocyadiisa kala duwan, iyagoo watay tiro kooban oo gaadiidka dagaalka ah, kuwaas oo dib loobaacsaday.
Inkastoo aanay saraakiisha ciidanku ka Hadlin weerarka kooxdani soo qaaday, haddana wararka aanu Hayno ayaa sheegaya inuuu jiro dhaawac fudud oo soo gaadhay Qaarka mid ah ciidanka qaranku, kuwaas oo xaaladoodu tahay mid caadi ah oo isla goobtaas wax lagaga qaban karo.
Maleeshiyadii weerarka soo qaaday, ayaa isla markiiba dib ugu laabatay duurkii ay kasoo baxeen, waxana badidoodu gudaha u galeen dalka Ethiopia oo ay markii horeba weerarka kasoo qaadeen.
Maleeshiyada Khaatumo aya Bilowday Weerarka Ku dhufo Ka dhaqaaq Xili dalka oo dhan Laga Saaray, iyado ay Xaruni Ugu Dambeysay ahayd Saaxdheer Hadda se aanay jirin dhul ay Ka Taliyaan.
Cali Khaliff Galaydh oo ah Hogaamiyahi Maleeshiyadaasi ayaa isna Ku sugan Goob cidla ah oo Lagu Magacaabo waqdariya iyado halkaas ka soo diyaariyaan Beryahan dambe weerada ka imanaya Ururka Maleeshiyada Khaatumo.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment