Maxaa ka dhexeeya Qodobbada lagaga hadlay Kulankii shalay iyo Kulan Raysalwasaaraha Somaliya la yeeshay Dhiggiisa Norway?
Hargeysa, 24 Sept, 2014 (Himilo)- Ergayga Soomaaliya u qaabbilsan dawladda Norway, Jens Mjaugeal oo magaalada Hargeysa shalay Booqasho ku yimi, ayaa Madaxtooyada Somaliland dhexdeeda ka shaaciyey inay dawladdiisu aqoonsan tahay hal dal iyo hal dawlad oo Soomaaliya la yidhaahdo, isla markaana aanay Somaliland aqoonsanayn Norway, balse ay raadinayaan jid ay ku caawin karaan Jamhuuriyadda gaarka u taagan.

Waxaanu Wasiirku sheegay inay ka wadahadleen arrimo la xidhiidha xidhiidhka labada dal xoojintooda, sidii ay Norway Somaliland uga caawin lahayd dhinacyada horumarka iyo weliba arrimo la xidhiidha diiwaangelinnada iyo doorashooyinka Somaliland la filayo inay ka qabsoomaan badhtamaha sannadka soo socda ee Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.
Sidoo kale, Ergayga Norway ee Soomaaliya Jens Mjaugeal, ayaa isaguna halkaa ka hadlay, waxaanu yidhi; “Waxaannu halkan u nimid inaannu bilowno wada-xaajood na dhex-mara Madaxda Somaliland, ujeeddadayaduna waa mid fudud, waxaannu doonaynaa inaannu eegno sidii aannu uga gacan geysan lahayn inay Somaliland iyo Soomaaliya-ba noqondaan waddamada ugu deggen uguna hodansan guud ahaan Qaaradda Afrika.”

Waxaanu intaas ku ladhay; “Arrimahan waa kuwo aad u khatar ah, annaguna waxaannu eegaynaa sida ugu fiican ee aannu idiinka gacan siin lahayn, Hagaajinta jidka wadahadalka si toos ah. Meesha aan anigu arrimaha ka bilaabayo, Ergey Norwey Ka socda Ahaan, waa in Norwey ay u Aragto Soomaaliya Dowlad mid ah.”
“Dalkayada Norway hal waddan oo Soomaaliya la yidhaahdo inuu jiro ayaa looga aqoonsan yahay oo ay aamminsan tahay. Laakiin, mustaqbalku siduu noqonayaa idinka ayay idinku xidhan tahay. Sidaa darteed, sidii arrimahaas si habsami leh loo waajahi lahaa oo aan mad-madow ku jirin, sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba.” Sidaa ayuu yidhi Ergayga dawladda Norway u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya.

“Arrimaha kale ee iyaguna laga hadlayo waxa ka mid noqon doona, sida loo maamulo khayraadka dabiiciga ah. Waxaannu joogtayn doonnaa sii socoshada wada-xaajoodyadan, kuwaasoo aannu sidoo kalena la yeelan doono Xukuumadda Muqdisho. Xidhiidh fiican ayaan la leenahay Xukuumadda federaalka ah, waxaana jiri doona arrimo badan oo aannu ka wada xaajoon doonno oo aan lagaga hadli doonin shir jaraaid oo la qabto. Laakiin, dhex-mari doona laba geesood oo muhiim ah sidii xasillooni loogu soo debbaali lahaa waddankan Afrika ku yaalla.” Ergayga Norway ee Soomaaliya Jens Mjaugeal.
Geesta kale, Raysal-wasaaraha Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Dhiggiisa dawladda Norway Erna Solberg, waxaanay ka wadahadleen xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya iyo doorka ay dawladda Norway ku leedahay taageerada dib-u-dhiska Soomaaliya.
Raysal-wasaaraha Soomaaliya iyo Wefti uu hoggaaminayo booqasho shaqo ku jooga magaalada Oslo ee waddanka Norway, waxaana Weftigiisa Xubno ka ah Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo xubno kale. Raysal-wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in uu uga mahadcelinayo dalka Norway taageerada ay u fidiso dawladda Soomaaliya, waxaana uu uga mahad-celiyay soo dhaweynta ay u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka oo lagu qiyaaso 40’000 oo Soomaali ah.

“Norway waxaa ay naga caawisaa bixinta mushaharka shaqaalaha dawladda oo iyagu ah laf-dhabarta ay dawladdu ku shaqayso, waxaa sidoo kale ay u heellan yihiin in ay gacan naga siiyaan Maamulka Maaliyadda, Waxbarashada iyo tayaynta Hay’adaha dawladda.” Sidaa ayuu yidhi Raysal-wasaaraha Soomaaliya.
Dhanka kale, waxaa uu Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa la kulmay Raysal-wasaarihii ee dalka Norway Kjell Magne Bondavic iyo Mas’uuliyiin kale iyagoo ka wada hadlay xoojinta taageerada loo fidiyo hay’adaha kala duwan ee dawladda Soomaaliya.
Safarka Raysal-wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ku tegay Norway, ayaa yimi toddobaadyo ka dib markii Shirkadda Heshiiska Sahaminta Shidaalka ah kula jirta Somaliland ee DNO oo laga leeyahay waddanka Norway, ay dawladda Federaalka Soomaaliya sheegtay inay ka dacwaynayso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana Lacag Ganaax ah laga qaadi doono, sababo la xidhiidha inaan heshiiskaas waxba laga ogeysiin iyo inaanay dawladda Federaalka ah wax heshiis ah kula jirin Shirkaddaasi, dulkuna uu yahay hal dal oo hal dawlad leh oo aanay waxba ka jirin heshiiska ay Somaliland kula jirto.
HIMILO NEWSPAPER
HARGEYSA/SOMALILAND
No comments:
Post a Comment