Hargeysa (Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta ka qaybgalay Munaasibad Qalinjebin ah oo loo qaybta Ardayda Sanadkan ka baxday Jaamacada Hargeysa University.
Munaasibadda uu madaxweynuhu saaka kala qayb-galay jaamacada Hargeysa, ayaa noqonaysa Jaamacadii Shanaad ee uu sanadkan la qaybsado farxada Qalinjebinta Ardayda iyo Waalidiintaba.

Jawiga Saaka ayaa ahaa mid ka duwan sidii hore ee madaxweynuhu uga qaybgeli jiray xafladaha noocan oo kale ah ka dib markii ay gaadhiga Khaaska ah ee Madaxweynaha soo wada raaceen Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye oo iyaguna maanta goobjoog ka wada ahaa xafladan, hadalana ka soo jeediyey ka dib wada hadalo beryahanba u socday Xukuumada iyo Xisbiyada Mucaaradka oo la xidhiidha Diwaangelinta iyo Xaalada Dalkaba sidii meel looga soo wada jeedi lahaa.
HALKAN KA DHEGAYSO
[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2014/09/khud.mp3"][/audio]
DAAWO SAWIRRADA[gallery columns="4" ids="9015,9014,9013,9012,9011,9010,9009,9008,9007,9006,9005,9004,9003,9002,9001,9000,8999,8998,8997,8996,8995,8994,8993,8992,8991,8990,8989,8988,8987,8986,8985,8984,8983,8982,8981,8980,8979,8978,8977,8976,8975,8974,8973,8972,8971,8970,8969,8968,8967,8966,8965,8964,8963,8962,8961,8960,8959,8958,8957,8956,8955,8954"]
No comments:
Post a Comment