Thursday, September 25, 2014

Dawladda Hoose ee Addis Ababa oo Xal u heshay Saxarrada iyo Kaadida Dadka oo Bilic-xumo ku haya Magaaladaas

Addis Ababa, 25 Sept, 2014 (Himilo)- Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia oo ay dhibaato ka haysato bulshada ku dhaqan magaaladaas gaar ahaan dadka danyarta ah oo dhibaatooyin dhinaca bilicda iyo caafimaadka ah oo ay ku hayaan jidadka waaweyn ee ku yaala goobaha faras-magaalaha ah.
Goobo ka tirsan faras-magaalaha Addis Ababa isla markaana ka tirsan suuqyada lagu ganacsado, ayaa khaatiyaan ka taagan Caagado kaadi iyo saxaro ku jiraan oo wakhtiyada habeenkii lagu daadiyo, iyada oo meelaha qaarkoodna laguba arko kaadi ama saxaro bannaanka iska yaala, taas oo bilic-xumo iyo caafimaad-darro ku haysa caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Itoobiya, sida uu sheegay sarkaal Saxada iyo daryeelka Bilicda u qaabilsan Dawladda Hoose ee Addis Ababa.
road_auth_progressSi looga xal loogu helo halis bilic-xumo ee dhibaatadaasi ku leedahay magaalada, waxa ay dawladda Hoose oo kaashanaysa Wakaaladda Biyaha ee Addis Ababa qandaraas ku siisay shirkad lagu magacaabo MetEC inay muddo Afar bilood gudahood ah ku keentay Musqulo ama Suuliyo nooca guur-guura ah (Mobile) oo lagu rakibo jidadka waaweyn hareerahooda iyo goobaha caasimadda ka tirsan ee ay ku nool yihiin dadka danyarta ah.
Shirkadda MetEC ayaa bishii June ee sannadkan qandaraas lagu siiyey inay samayso 116 Xabbo Suuliyada Guur-guura oo midkiiba ballaciisu yahay hal Mitir oo laba-jibbaaran, kuwaas oo midkiiba ay ku baxayso lacag dhan 100 kun oo lacagta Itoobiya laga isticmaalo.
“Suuli waliba waxa uu yeelanaya laba Qol oo loogu talo-galay ragga iyo haweenka, mid kastana waxa lagu rakibayaa agabka lagu maydho, taangi 750 litir qaadaya iyo Taangi Caag ka samaysan oo dhulka hoostiisa lagu aasayo,” sidaas waxa yidhi Solomon Meresssa oo ka tirsan wakaaladda Biyaha ee Addis Ababa (AAWSA) oo u warramay jariiradda FORTUNE.
“Suuliyada waxa laga samaynayaa caag iyo almuuniyam, waxaanay qayb ka yihiin mashuurc aanu ku samaynayno 1000 xabbo oo kala duwan,” ayuu yidhi masuulkani.
Mashruuca lagu samaynayo Suuliyadan, ayaa looga faa’idaynayaa Siddeed degmo oo ka tirsan magaalada Addis Ababa oo la qorsheeyey in laga sameeyo 135 goobood, marka laga reebo labada degmo ee Arada iyo Kirkos oo xilligan ay ka socoto dib-u-habayn iyo qorsheyn dhinaca dhismayaasha iyo goobaha adeegyada bulshada loogu qabto ah.
“Siddeedda degmo waxa ugu badsan doonta degmada Akaki Kality oo laga samaynayo 49 suuliyada la rari karo, waxa ku xigi doonto Lideta oo helaysa 36 xabbo,” ayuu yidhi Mr Solomon oo sharraxayey xaafadaha magaalada ee ugu daran bilic-xumada magaalada, kuwaas oo ay deggen yihiin dadka danyarta ahi.
Solomon waxa uu sheegay in suuliyada laga samayn doono goobaha dadweynuhu isugu yimaaddaan sida Suuqyada, istaannada basas iyo tagaasida iyo meelaha socodka dadku ku badan yahay.
Fikre Tekeste oo tirsan wakaaladda Biyaha ee Addis Ababa, ayaa sheegay in maamulka Suuliyada lagu wareejin doono Ururrada ay leeyihiin dadka aan shaqaysan karin, sida waayeelka iyo curyaaminta, iyada oo qofka isticmaalaya laga qaadi doono lacag dhan 0.5 bir (1 Shilin).
Mashruucan oo ay ku baxayso lacag dhan 11 Milyan oo Dollar waxa hirgelintiisa iska kaashanaya Dawladda Federaalka ee dalkaasi Itoobiya iyo Bangiga Adduunka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment