Hargeysa, 30 Sept, 2014 (Himilo)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka Somaliland, ayaa shaaciyey shirkadda ku guulaysatay Qandaraaska tabobarka Ciidanka Ilaalada Shirkadaha Shidaalka (OPU) oo tartan loo galay, ka dib markii madaxweyne madaxweyne Siilaanyo todobaadkan digreeto uu soo saaray ku buuray Waaxdan oo ka tirsanaan doonta Ciidanka Booliska.
Guddoomiyaha Guddida Qandraasyada qaranka Somaliland Md Aadan Cabdilaahi Nugaal oo shalay shir-jaraa’id oo lagu shaaciyey qandaaska ku qabtay xafiiskiisa, ayaa faahfaahin ka bixiyey heerar kala duwan oo tartanka qandaraaskani soo maray iyo tirada shirkadaha ka qayb-qaatay iyo qaabkii ay u kala sarreeyeen qiimo ahaan.
Guddoomiyaha Nugaal oo uu weheliyo iyo wasiir ku xigeenka maamulka gobollada iyo degmooyinka ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Md Cismaan Garaad Maxamuud Garaad Soofe, waxa uu sheegay in qiimayn ay sameeyeen ka dib qandaaska ay ku guulaysatay shirkad lagu magacaabo Salahdiin oo qandaaska ku soo gudbisay lacag dhan $6,000,000 (Lix Milyan oo Dollar).
“Marxalado badan ayuu soo maray tartanku qandaraaska shirkado ayaa tartamay, garina laba nin kama wada qosliso, hadii la baratamo ama la garramo mid uunbaa gartu raacdaa, qandaraaska waxa loo sameeyay booliska tababarkiisa iyo wixii la xidhiidha. Ciidanka farsamo ayuu u baahan yahay sida macalin iskuulku u diyaariyo casharrada uu ardeyda u dhigayo, maxaa loo dhigayaa askariga ayaa ku jira. Shirkad ayaa qandaraas lagu siiyay farsamadii lagu dhisi lahaa ciidanka si loo waafajiyo nidaamka dowliga ee caalamka,” ayuu yidhi Guddoomiyaha oo sharraxayey heerarkii qandaraaska, waxaanu intaas ku sii ladhay, hadalkiisa, “Lix shirkadood ayaa qandaraaskaa ka soo qayb galay dabcan oo kala jaad-jaad midiba waxbay ka soo shaqeysay midiba mwaxbay takhasus gaara u lahayd guud ahaana waa shirkado amaanka ka shaqeeya waxaan lagu kala saarayaa qodobo ay ka mid yihiin 1. Aqoonta 2. Lacagta ay soo qorteen 3. In shirkadu tahay mid jirta oo shaqeysa khibrad ma leedahay 4. Qiimayn lagu sameynayo profileka shirkada. Laba shirkadood oo midi Somaliland ay ka shaqeyn jirtay Olive oo imka mid kale ay isku darsadeen oo layidhaahdo Olive New Port Africa iyo shirkada Salahdiin ku soo baxay qiimayntii dambe.”
Guddoomiye Nugaal waxa faafaahiyey qiimayaasha ay shirkaduhu soo gudbiyeen, “Labadii shirkadood qiimayn ka dib waxaa la isla qaatay shirkada Salahdiin ayaa qandaraaskii la siiyay kuwaasaana helay, gorgortan ayaanu galanay waxay soo qorteeb $6,838,000 qolada kakena waxay soo aqorotay $ 8,000,000. Gorgortan ka dib waxaa lagu siiyay $6,000,000”, ayuu yidhi.
Guddoomiyaha guddida qandraasyada qaranka Md Aadan Axmed Nugaal, waxa kale oo uu sheegay in aan wali la saxeexin qandaraaska oo uu sheegay inuu ku xidhan yahay asixinta xeerka abuuritaanka Ciidankan oo madaxweynuhu dorraad digreeto ku soo saaray iyo shirar dambe dhexmari doona shirkadda iyo hubinta qandaraaska.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment