London, 25 Sept, 2014 (Himilo)- Shir hordhac u ah Shirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland ee 14-ka bisha October ee sannadkan 2014-ka lagu qabanayo magaalada London ee waddanka Ingiriiska, ayaa Arbacadii shalay lagu soo gebo-gabeeyey isla London, kaasoo ay ka qaybgaleen Madax kala duwan iyo Maalgashadayaal caalami ah oo ka warramay sida ay u danaynayaan inay Somaliland Mashaariic Maal-gelineed ka hirgeliyaan.
Shirkan oo ay qaban-qaabisay dawladda Ingiriisku, waxa hoggaaminaysay Rugta Ganacsiga ee Britain British (Chambers of Commerce), taasoo Shirka ku casuuntay Maalgashadayaal caalami ah, Shirkado Ganacsi, Madaxda Dhaqaalaha Yurub iyo Afrika iyo waddamo gaadhaya 18 dal oo African iyo Koonfurta Maraykanka, kuwaasoo kala ahaa Somaliland, Ghana, Nigeria, Zimbabwe, Brazil, Colombia, waxaana ka qaybgalay Masuuliyiin ka socday Waaxda horumarinta caalamiga ah ee dawladda Ingiriiska.

Waxa shirkaas ka qaybgalay Eng. Cabdinaasir Garaad Abshir Saalax oo xubin ka ah Ururka Qurbo-joogga Somaliland ee Qaaradda Yurub, oo sheegay inuu isaguna ka warramay muhiimadda khayraadka Dabeeciga ah ee Somaliland ku duugan iyo khayraaddada kala duwan ee Somaliland yahay mid badan, isla markaana u baahan maalgashi caalami ah, isagoo xusay in haddii Maalgashi muuqda oo ballaadhan lagu sameeyo in ay Somaliland-na ka faa’iidi doonto, Maalgashadayaashuna ka faa’iidi doonaan.
Shirkan, ayaa hor-dhac u ahaa Shir ballaadhan oo ay dawladaha Somaliland iyo Ingiriisku ku wada qaban doonaan 14-ka bisha dambe ee October magaalada London ee waddanka Britain, sida uu sheegay Wasiirka arrimaha dibedda iyo Xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Biixi Yoonis.
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo toddobaadkan shir Jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Wasaaraddaas ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Shirkaas ay ka qaybgeli doonaan Ganacsato badan oo reer Somaliland ah iyo Ganacsadayaal iyo Shirkado waawayn oo heer caalami ah, kaasoo si weyn looga hadli doono sidii Somaliland Maal-gelin caalami ah looga samayn lahaa khayraadka ku duugan iyo inay shirkado Ganacsi oo caalami ah ugu soo xidhi lahaayeen Ganacsigooda dalka Somaliland.
Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, waxa uu sheegay in Shirkaas oo magaalada London ka qabsoomi doona 14-ka bisha October ee innagu soo fool-leh uu yahay shir muhiimad ballaadhan u leh Somaliland iyo horumarkeeda, isla markaana ay ku rejo weyn yihiin in Somaliland shirkaas ka faa’iidi doonto maalgashi ballaadhan oo caalami ah, waxaanu intaas ku daray oo uu ugu baaqay Ganacsatada reer Somaliland inay si weyn uga qaybgalaan Shirkaas oo Masuuliyiin dawladda ka tirsan oo uu ka mid yahay isaga, Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland iyo Madax kaleba ay ka qabygeli doonaan.
Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee ay Somaliland dawladda Ingiriiska la qabanayso ee lagaga hadlayo horumarka, Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland, sida uu sheegay Wasiirka arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment