Wednesday, September 24, 2014

Maamulka Garowe Oo Durbaan Colaadeed Ka Tumaya Gudaha Galkacyo iyo Isku Dhac Militeri Oo Lagu Wado Dhex Maro Puntland iyo Galmudug

Galkacyo:Sep,24,2014(Himilo)-Maamulka Garowe, ayaa Haatan durbaan colaadeed ka tumay dhinaca xuduudda ay la leeyihiin Maamulka kale ee Galmudug, waxana labada dhinac ay ciidamo dhoobeen Gudaha Magaalada Kalkacyo oo kala qaybisa labadooda.

codeColaaddan ayaa daba socotay dhawaaq dhawaan kasoo baxay dawladda Federalka Somalia oo Gobolkaas ku sheegtay inay Maamul-goboleed cusub u aqoonsatay, waxaana arrintaas ka cadhooday maamulka Garoowe oo ciidamo dhoobay xuduudda ay la leeyihiin.

Wararka halkaas laga helayo, ayaa sheegaya in Maamulka Puntland uu Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Dhanka Waqooyi uu soo dhoobay Ciidamo Farabadan oo wata Gaadiidka Dagaalka,kuwaas oo Fadhisimo ka sameeystay Waqooyiga Magaalada.

Goob Joogayaasha ayaa soo sheegaya in Ciidamada ay Xaqiijinayaan Amaanka Magaalada Gaalkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug, kuwaas oo la sheegay in ay ka hortagayaan Weeraro Ciidamada Maamulka Galmudug ay ku qaadaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo sida la sheegayo, waxana maamulka Galmudug ay hore ugu dhawaaqeen inay difaacayaan diyaarado iyaga u socda oo garoonka magaalada oo Puntland gacanta ku hayso uga soo degi doona.

Khilaaf xoogan oo u dhaxeey Maamulada Puntland iyo Galmudug oo wada daga Gobolka mudug ayaa sii xoogaystay,murankaas oo salka ku haya Xanimaad Maamulka Puntland uu saaray Garoon Diyaaradeed oo ku yaala Koofurta Magaalada Gaalkacyo oo Galmudug ay Gacanta ku hayso.

Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland iyo Saraakiisha Ciidanka intaba kama hadlin Ciidamadaan ka socda Puntland ee Magaalada Gaalkacyo la soo dhoobay.

Dhinaca kale maamulka Galmudug oo taageero ka Helay dawladda Fedealka Somalia, ayaa cambaareeyey dhaqdhaqaaqyada ay Puntland waddo, waxana laga cabsi qabaa inay labada dhinac si kedis ah iskugu dhacaan dhawaanahan.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment