Shaqaalaha ayaa diidan Lacaga Xukumadda u qorsheysay oo maalintii ah $13 Dollar, bishiina Noqonaysa ilaa $400 Dollar, hase ahaatee Shaqaalaha oo ku doodaya inaan Shaqada ay qabanayaan iyo Mushaharkani isku dhigmin ayaa ku gacan saydhay Qorshaha ay wasaaradda Arrimaha Guduhu wadato.Shaqaalaha ayaa faraha ka qaaday Shaqadii Diwaangalinta ee Socotay islamarkaana Saaka Cabasho la horyimid Wasaaradda Daakhiliga, waxaana halkaasi kula hadlay Wasiir xigeenka Amniga ee Wasaaradda Daakhiliga,Badhasaabka Maroodijeex iyo Duqa Caasimada oo Shaqaalaha u sheegay inaan Xukumaddu bixin Karin wax ka badan in $400 Qofkiiba la siiyo bishii.
Shaqaalaha ay doonaya inay wasaaradda Arrimaha Guduhu hoos u eegto lacagta ay u qoondaysay, waxana ay codsadeen inaanay mukhaarash ku ahayn marka loo eego hawsha ay qabanayaan oo ay ku tilmaameen mid aad u culays badan.
Wali ma muuqdo wax xal waara ah oo wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo shaqaalahan cabanayaa wada gaadheen, waxana ay u muuqataa inaanay wasaaraddu kasoo kacayynin qorshaha ay dejisay ee shaqaalaha lagu siinayo lacagta $13-ka Dollar ah, taas oo shaqaaluhuna ku tilmaameen mid aan u cuntamaynin marka shaqadooda la eego.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment